Oday Sheegay Inuu Ahaa Ninkii Magaca Siilaanyo U Bixiyey Madaxweynaha Somaliland Adeerna U Yahay Oo Nolol Xumo Ka Cabanaya DAAWO
Berbera 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Nin Oday ah oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xaashi Nuur sheegayna in uu adeer u yahay Madaxweynaha Wakhtigan ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in uu adeer u yahay Madaxweynaha ahaana ninkii isagu magaca u bixiyey Naanaysta Siilaanyo ayaa sheegay in uu ka cabanayo nolol xumo adag isaga oo ku cawday in madaxweynaha loo diiday in uu la kulmo.
Cabdulaahi Xaashi Nuur, oo ah waayeel indhaha beelay ayaa kunool xaafad kutaala magaalada Berbera, waxa uuna Odaygan ku dhax nool yahay guri ka samaysan karaatoon, waxa uuna sheegay in xaaladda adag oo dhanka nolosha ahi ay haysato.