Oday Saleebaan iyo Cabdi Waraabe Oo Qiray Inaanay Garabka Madaxweyne Siilaanyo Wali u Qabsoomin Soo Jeedimahoodii
Hargeysa:May,31,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay Hoggaaminayaan Xubno ka mid ah Guddidii dhexdhexaadinta Garabyada Kulmiye, ayaa tilmaamay inaanay wali soo jeedimahoodii u dabcin garabka uu gadh-wadeenka u yahay Madaxweyne Siilaanyo.
Guddoomiye Saleebaan Oo Saxaafadda La Hadlayey ayaa sheegay in garabka Muuse Biixi ay si Fiican u aqbaleen wixii ay ku Xukumeen,Balse wali aanay garabka kale ee Ka soo horjeedaa aqbalin waxyaabihii ay u soo jeediyeen, balse ay jiraan Kalsooni ah inay aqbali doonaan.
“Dhinaca Madaxtooyada wali kama Hayno wax Ballan qaad ah, laakiin waanu ku kalsoonahay inay naga aqbali doonaan waxa aanu ugu talino.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Waxa uu Saleebaan Bulshada u iftiimiyey inaanu Madaxweyne Siilaanyo iyo Garabkiisu diyaar u ahayn inay dhib yaraan ku aqbalaan Soo Jeedimaha Dhexdhexaadiyayaasha, isagoo xusay in si shuruud la’aan ah ay kooxda Muuse Biixi aqbalaad uga Haystaan.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo Dalka Ingiriiska si kedis ah uga Soo Duulay si uu Arrintan u damiyo, ayaan wali wax caqiibo ah ama la taaban karo ka soo hoynin dhinaa Xukuumadda oo haatan u muuqata mid ganafka ku dhufatay Dedaalkiisa.
Wali kama uu nasan, mana uu daalin Guddoomiye Saleebaan iyo Kooxda la socotaa inay Madaxtooyada ku noqnoqdaan inkastoo la sheegayo Hadallo aan Fiicnayn inay kala kulmeen.
Waxa ay Kooxda Saleebaan Hoggaaminayaa ku Guulaysteen inay Hakiyaan SHirkii Golaha dhexe ee Muuse Biixi ku dhawaaqay inuu Maanta Dhacayo, balse wali waxa aanay jawaab rasmi ah Bulshada ka siinin waxa laga Yeelayo Shirkii Golaha dhexe ee Garabka Madaxtooyada oo Berri loo Ballansan yahay.
Dedaalka ay Guurtidu waddo ayaan lahayn saansaan adag oo uu ku midho dhali karo, waxana midaas Macno tiray Garabka Xukuumadda oo aanay ka Go’nayn inay Wax tudhaale iyo Tanaasul ah ka galaan Xaaladda Cakiran Ee Dalku Marayo.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com