|

Obama:Ma Dhegeysano Dadka Mareykanka ku Nool

Washington June 08,2013(SDN)-Madaxweynha Dalka Mareykanka ayaa shir jaraaid oo uu qabtay waxa uu ku difaacay tilaabooyinka xukuumadiisu ku sugeyso amaanka dalkaasi oo dhaliilo loo jediyay.

Madaxweyne Barack Obama ayaa difaacay qorshaha lagu keydiyo xogta Isgaarsiinta oo si weyn ay u dheleeceeyeen ururada u dooda xuquuqda xogta gaarka ah.

Jariirada The Guardian ayaa dhawaan shaacisay jiritaanka barnaamij lagu keydiyo xogta isgaarsiinta oo ay ku hawlan tahay dawlada Mareykanku.

Madaxweyne Obama ayaa markii u horeysay ka waramay sida barnaamijku u sheqeeyo iyo in aanu jirin wax laga walaaco.

“Ma dhegeysano muwaadiniinta iyo dadka ku nool Mareykanka,sidoo kale sharciyan barnaamijku waa mid waafi ah”ayuu yiri Obama.

“Suurtogal ma aha in la helo amaan buuxa iyo in la dhawro dhamaan xuquuqaha shakhsiyadeed”ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Barnaamijka ay gacanta ku hayaan Aqalka Sentka iyo hay’ada amniga u qaabilsan Mareykanka.

Mawduuca ayaa ahaa hadal heynta u badan ee saxaafada todobaadkan intii ka danbeysay soo shaacbixida barnaamijkan.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed