Obama:Hadii Xukuumada Syria ay ku cadaato in ay shicibka u isticmaashay Sun,Xaalku waa isbedelayaa
Washington April 27,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaano degdega oo lagu sameeyo hubinta in ciidamada dalka Syria ay isticmaaleen sunta dagaalka.
Ciidamada Syria ee dagaalka kula jira kooxaha kacdoonka wada ayaa la sheegay in ay isticmaaleen sunta loo yaqaano nerve gas sarin.
Obama ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo kooban oo muujinaya in xukuumada Syria mucaaridka u isticmaashay Sunta nerve gas sarin.
Waxaase uu ku baaqay in la sameeyo baaritaano degdega si markaa tilaabo degdega looga qaado xukuumada Bashar Al Asad.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa hore ugu goodiyay in ay faro gelinayaan colaada Syria hadii ay dawladaasi ay shacabkeeda u isticmaasho sun.
Qaramada Midoobey ayaa sheegay intii dagaalada ay ka socdeen dalka Syria in ay geeriyoodeen in ka badan 70,kun oo ruux.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com