Obama:Falkii u horeeyay ee Siyaasadeed ee aan sameeyay waxa uu ahaa mid aan ku taageerayay Mandela
Washington Dec 06,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obaama ayaa ka hadlay Noloshii iyo Geerida ku timi Nelson Mandela ayaa sheegay in halgankii Mandela uu saameyn weyn ku yeeshay noloshiisa.
“Talaabadii Siyaasadeed ee u horeysay ee aan qaaday ebid waxa ay aheyd ka qeybgalka isu soo bax lagu dalbanayay siideynta Mandale”ayuu yiri Obama.
Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ah madaxweynihii u horeeyay ee Madow oo dalkaas loo doorto in uu hogaamiyo ayaa sheegay in noloshiisa uu Mandela saameyn weyn ku yeeshay.
“Ma garan karo sida ay nolosheyda iyo nolosha malaayiin kale oo dunida ku nool noqon laheyn hadaanu Mandela u kicin halgankiisii la dagaalanka midab takoorka”.ayuu yiri Obama.
Madaxweyne Obama ayaa kiyoo Senator ah mar la kulmay Mandala oo booqanayay Mareykanka.
Madaxweyne Obama ayaa mar uu sanadkii ina dhaafay booqday Konfur Africa aaney u suurto gelin in ay kulmaan bacdamaa uu Mandela xiligaa aad u xanuun sanayay.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com