|

Obama oo kulan la qaatay boqorka Sucuudiga iyo Sucuudiga oo ka careysan sida Mareykanku u wejahay Syra iyo Iran

Riyadh Mar 29,2014(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareyknka oo booqanaya dalka Sucuudiga ayaa kulan la yeeshay boqorka dalkaas ee Cabdalah oo ay ka wada hadleen qodobo ka careysiiyay boqortooyada.

War Mareykanku ay ka soo saareen kulanka ayaa lagu sheegai in Madaxweyne Obama uu boqorka Sucuudiga kala hadlay qodob ay ka mid yihiin Qalalaasaha Syria iyo hubka Neuklear ka dalka Iran.

Dalka Sucuudiga ayaa hore u shaaciyay in ay reer Galbeedka ka doonayaan in la caawiyo

mucaaridka ka soo horjeeda dawlada Syria iyo in aan loo ogolaan dawlada Iran in ay sameysato hubka Neuclear-ka.

Madaxweynaha Mareykanka Ayaa u sheegay boqorka Sucuudiga in Mareykanku uu gacansiin doono mucaaridka qunyar socodka ah ee Syria iyo in Iran aan loo ogolaan doonin in ay hub Nueclear ah sameysan.

Waa markii u horeysay mudo shan sanadood ah uu booqasho ku tago dalka Sucuudiga madaxweynaha dalka Mareykanka Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama.

 

SDN-Riyadh

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed