Obama oo ka digay colaada Koonfurta Sudan ciidamana u diray
Juba Dec 20,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dalka Konfurta Sudan cagta saaray wadadii colaadaha sokeeye isla markaana ciidamo Mareykan ah dalkaas u diray.
Hadalka Obama ayaa imanaya iyada oo colaadii saameysay caasimada Juba ay ku fiday guud ahaan dalkaasi.
Obama ayaa ilaa 50 askari oo Mareykan ah u diray caasimada Juba si ay gaar uga qabtaan safaarada Mareykanka ee Juba.
Maalinimadii shalay ayaa sadex ka mida ciidamada nabad ilaalinta ee India ee ku sugan Konfurta Sudan lagu laalay weerar lagu qaaday xarunta QM ee dalkaas ku taala.
“Konfurta Sudan waxa ay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye,colaada socotana waxa ay dib maalmihii madoobaa dib ugu celineysaa dalkaasi,hadalada qalafsan iyo bar tilmaansiga waa in la joojiyaa lana dhegeystaa deriska oo colaada la joojiyaa lana wada hadlaa”ayuu yiri Obama oo la hadlayay aqalka Congresska dalkaasi.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku-xigeenkiisa Riek Machar ku eedeeyay in uu ka danbeeyay isku day afgenbi dhicisoobay.
SDN-Juba
contact@somalidiasporanews.com