|

Obama oo Japan ka dalbaday in ay ka qeybqaataan hawlgalada ladagaalka xagjiriinta Soomaaliya

Tokiyo June 03,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa dalka Japan ka codsaday in ay gacan ciidamadoodu ka geystaan sidii degaanaansho looga dhalin lahaa dalalka qaarada Africa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dalabkaa u jeediyay Raiisul Wasaaraha Japan Mr.Shinzo mar uu dalkaasi booqanayay bishii April ee ina dhaaftay.

Madaxweyne Obama Ayaan qeexin kaalinta la doonayo in ciidamada dalka Japan ay ka geystaan ka qeybqaadashada hawlgalada Mareykanku ka wado qaarada Africa.

Raiisul Wasaare Abe ayaa u sheegay madaxweyne Obama in uu ka fiirsan doono doorka dalkiisa uga banana hawlgalada,

Obaama ayaa si gaar ah uga dalbaday Japan in ay gacan uga geysato dedaalada lagu xasilinaayo dalalka Soomaaliya iyo Mali.

Japan ayaa ciidamadoodu aaney ka qeyb qaadan hawlgalo intii ka danbeysay dagaalkii labaad ee dunida.

 

SDN/QJ-Tokiyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed