Obama oo Gacanta ku Haya tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee Dagaalka Suuriya
Washington:3-Sep-2013(SDN)- Madaxweyne Barack Obama ayaa wali ku hawllan sii wadidda dadaalkiisa uu taageerada kaga raadinayo congresska Maraykanka si uu tallaabo militari uga qaado dawladda Suuriya.
Sharci dejiyeyaasha qaarkood ayaa shaki ka muujiyey qorshihiisa, Dalka Ruushka ayaa isna su’aal ka keenay caddeymaha go’aankan ka dambeeya, waxana uu taageero weyn ka haystaa dalka awoodda badan ee china
.
Mr. Obama ayaa Isniintii shalay Aqalka Cad ku marti galiyey Senator John McCain oo isagu in muddo ahba Obama ku boorrinayey inuu Suuriya tallaabo ka qaado. McCain ayaa Axaddii ina dhaaftay sheegay in Maraykanku uu qaado weeraro aan xaddidneyn oo dhinaca cirka ah, kuwaas oo xitaa keeni kara in madaxweynaha Suuriya xilka laga tuuro.
Qaar ka mid ah xubnaha congresska ayaa aragti taas ka duwan qaba, iyaga oo isweydiinaya in loo baahan yahay in militarigu uu arrinta ku lug yeesho.
Saraakiilka maamulka ayaa Axaddii sharci dejiyeyaasha u soo bandhigay caddeymo muujinaya in militariga Suuriya uu bishii hore gaas sumeysan ku duqeeyey dad shicib ah oo ku nool duleedka magaalada Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen tiro ka badan kun qof.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay in caddeymaha uu soo bandhigay Maraykanku aanay ahayn kuwa lagu qanci karo. Waxana uu tilmaamay inay maqnaayeen tusmooyinkii juqraafi iyo waliba magacyada ku lugta leh weerarka kiimikaad.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com