|

Obama oo Baaq u jeediyay Labada Suudaan

Washington April 21,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Xuseen Obama ayaa ugu baaqay wadamada Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan inay  xabad joojin sameeyaan oo ay miiska wadahadalada isugu yimaadaan.

Mr Obama waxa uu kula dardaarmay xukuumadda Khartuum inay joojiso duqaynta dhanka cirka ee ay la beegsanayso meelo ka mid ah koonfurta maadaaba buu yidhi Madaxweynahu ay Ciidamadii K/Suudaan ka baxeen Mandaqadda Higlig ee qaniga ku ah shidaalka.

Dawladda waqooyiga Suudaan waxay dhankeeda ku adkaysanaysaa inay cudud millateri kaga saartay halkaasi xoogagii reer Koonfureedka, halka Xukuumadda Koonfurtuna warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay ciidamadeedu kaga soo baxeen Mandaqadaasi cadaadis badan oo kaga yimid dhinaca beesha caalamka.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed