|

Obama iyo Cameron oo Washington ku kulmay

 Washington Mar 13,2012(SDN)-Raiisal wasaaraha Ingiriiska  Mr. David Cameron ayaa maanta booqasho rasim  ah oo qaadaynaysa  sedex cisho  ku tagaya caasimada dalka Mareykanka  ee Washington ,  si uu kulamo ula yeesho madaxda maamulka mareykanka  gaar ahaam Madaxweyne Barack Obama .

 

Arimaha ugu muhiimsan ee Mr.Cameron  kala hadli doono   maamulka Mareykanka ,waxa la sheegay in ay tahay mustaqbalka ciidamadooda  ku sugan  dalka Afgaanistaan  iyo balanta ah in laba kun iyo afar  iyo tobanka ay  kaga eegtahay waqtigii  laga wado saari  lahaa dalka Afgaanistaan ciidamada  caalamiga  ah ee isbahaysiga  Nato , in kastoo  laga filayo in khubaro ciidamo ah oo dhinacyada tababarka  ka caawisa ciidamada Afgaanistaan  loo reebi doono .

 

Waxa kale , oo la sheegay  in ay ka wado hadli  doonaan  xoojinta xidhiidhka labada  dal iyo  in ay meel  isku mid  ah iska  taagan  arimaha caalamka ka jira .

 

 SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

 

 

Comments are closed