Obaama:Khudbad uu Jeediyay madaxweyne aan dagaal dooneyn oo uu u jeediyay shicib aan dagaal Dooneyn
Washington Sept 11,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa xalay khudbad todobaadyo la sugayay u jeediyay shicibka Mareykanka oo ka cago jiidaya weerar lagu qaado xukuumada Syria.
Madaxweynaha ayaa markii u horeysay taariikhda khudbadiisa si toosa ugu xusay suaalo ku xeeran weerar haatan lagu qaado Syria iyo jawaabahooda.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku xusay qorshe cusub oo Ruushka iyo Syria ay wada jir u soo bandhigeen oo ku wejahan sidii hub ka dhigis loogu sameyn lahaa Xukuumada Syria.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in shicibka dalkiisu aaney haatan dagaal dooneyn balse ay jirto baahi loo qabo in la ciqaabo xukuumada Bashar Al Asad oo shicibkiisa ku xasuuqay Sun.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadiisa ku sheegay in tilaabo ciidan oo iminka laga qaado Asaad ay baajin doonto dhiiga ubadka Syria,mustaqbalkana ay sugeyso amniga ubadka iyo ciidanka Mareykanka.
Obaama waxa uu sharaxaad ka bixiyay nooca weerarka oo uu sheegay in ujjeedadiisu tahay in awwoda Bashar Asaad lagu wiiqo.
Obaama waxa uu xusay in uu doonayo in uu siiyo qorshaha Ruushka isla markaana ay Xukuumada Syria huka sunta ay beesha caalamka ku wareejiso.
Sidoo kalena waxa uu xusay in uu dib u dhigay cod ay baarlamaanka Mareyknaku u qaadi lahaayeen weerarka Syria.
Ugu danbeyntiina madaxwenaha Mareykanka ayaa u muuqda in uu ku guuleystay in uu sharaxaad ka bixiyo ujjeedada weerarka iyo nooca uu noqonayo.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com