Nuxurka Xogwaran uu Bixiyey Gudoomiyaha Fulinta ee Hay’adda Al Huda & Waxqabadka ay Dalka Ka Hirgalisay
Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Fulinta ee Hay’adda Waddaniga ah ee Al Huda oo Ka Jirta Somaliland Sh. Cabdi Nasir Iid Maxamed ayaa Sharaxaad ka Bixiyey Waxqabadka Hay’adan Mudadii ay Jirtay.
Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed ayaa Xogwaran dhinacyo badan leh Wuxuu Siiyay Barnaamijka Ku dayo Muwaadinkaaga Danta guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay oo uu soo agaasimo aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin waxa uu ugu Horayn Sheekh Cabdinaasir Iid uu ka hadlay Macnaha uu u Taagan Yahay Magaca Al Huda iyo Cida aasaastay Waxaanu Ku jawaabay ‘’Waa Magac Carabi ah oo Noqonaya Hay’adda Dacwada Islaamka,Sidoo kale aasaaska hay’adani wuxuu ka yimid Koox Culimo ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guud ee Hay’ada Sheekh Cabdala Abiib Xuseen Waxaana hay’ada la aasaasay Sannadkii 1994kii’’
Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed Waxa uu Xusay in Markii hore la furay Dugsi Wax Barasho oo la Yidhaa Al Huda oo Waqaf ah Isla markaana ardayda Qaab bilaash ah amase Lacag la’aan ah ay ku dhigan jireen Taas darteed loo baahday hay’ad Maamusha Sidaasna ay Ku bilaabantay Shaqada hay’adani,Waxaanu Intaas Ku daray in Dugsigaasi uu Markii hore ahaa Dugsi Hoose dhexe balse markii danbe uu gaadhay ilaa Dugsi Sare Isla markaana ay ka sii farcameen Dugsiyo badan.
Gudoomiyaha Fulinta ee Hay’adda Waddaniga ah ee Al Huda Waxaa Kale oo uu Iftiimiyey Waxqabadka hay’adan isagoo Yidhi ‘’Hay’ada Al Huda oo ka soo Bilaabantay Dugsigaasi waxay markii danbe dalka Ka fulisay Mashaariic aad u Tiro badan ha ugu Bataan Dhisitaanka Masaajidyada oo aanu ka Hirgalinay Inta badan Gobolada Somaliland Waxaa Kale oo ay dhistay Dugsiyo Waxbarasho,Waxay maanta hay’ada Al Huda ay Toos u Maamushaa 16 Iskuul,kuwaas oo 14 Ka Mid ahi ay isugu jiraan barbaarinta Caruurta,Hoose,Dhexe ilaa Sare iyo Tiro Dugsiyo kale ah oo lagu barto Qur’aanka Kariimka ah,Sidoo Kale Xaga Caafimaadka hay’adu wax badan ayay ka qabatay waayo waxaanu dhisnay Xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka ee MCH-yada loo yaqaan,Waxaa Kale oo Jira Caawimo aanu siino Cisbitaalada waaweyn ee dalka Iminka Sannadkii u danbeeyay ilaa afar Cisbitaal oo waaweyn ayaanu caawimo siinay Kuwaas oo kala ah Cisbitaalka Guud ee Hargaysa,Ka Oodweyne,Ka Burco Iyo Ka Balli Gubadle’’.
Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed Waxa uu intaas ku daray in Waxqabadka Hay’adan ay ka Mid tahay Xarumo lagu Xannaaneeyo Caruurta Agoomaha ah Isla Markaana ay Gacanta ku hayaan isagoo Tusaale u soo qaatay Xarun ka Jirta Caasimadda Hargaysa oo 100 arday Waxbarashadooda,Cuntaddooda Iyo Seexashadoodaba ay Ka Mas’uul Yihiin,Waxaa Kale oo uu Xusay inay Hay’adu Deegaano badan oo dalka ah ay ka qoday Ceel biyoodyo ay bulshadu u baahnayd,Sidoo Kale waxa uu sheegay in Xiliyadda abaaraha ay ka qayb galaan Gurmadka loo Fidinayo dadka iyo Duunyada ku Tabaalooba Xaalada abaareed,Halka Xiliyada Ramadaanada uu Sheegay inay dadka siiyaan raashin isla markaana ay Sameeyaan afur Wadareedyo.
Sheekh Cabdi Naasir waxa Kale oo uu Sheegay inay Jiraan dad Masaakiin ah oo ay Guryo u dhiseen iyo arrimo kale oo ku taxaluqa waxqabadka hay’ada Al Huda ay Hirgalisay.
Gudoomiyaha Fulinta ee Hay’adda Al Huda waxaa Kale oo uu Xogwarankiisan ku faahfaahiyey Himilooyinka ay Hay’adani higsanayso Mustaqbalka Dhow iyo Ka Fog Labadaba.