|

Nuxurka War Murtiyeed Qaybaha Warbaahinta Somaliland Ka Soo Saartay Shirkada Telesom

Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Warbaahinta kala duwan ee Somaliland iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa war-murtiyeed ka soo saaray Shirkada Telesom oo ay sheegeen inay la wareegtay hawlihii warbaahinta dalku qaban lahayd.

warbaahin
Kulan ay iskugu yimaadeen badi masuuliyiinta Jaraa’idada iyo Tv-yada ayaa laga soo saaray go’aan midaysan oo lagaga hortagayo .

War Murtiyeed ka soo baxay Kullan Warbaahinta Somaliland ku yeelatay Hargeysa

Ujeedada kullanku waxaa ay ahayd in laga tashaddo dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo Shirkadaha Isgaadhsiintu guud ahaan. gaar ahaan Shirkada Telesom ku hayso warbaahinta.  Taasoo ah, inay la wareegtay shaqadii warbaahinta gabi ahaanba oo ay isu rogtay shirkad warbaahineed halkii ay ka ahayd shirkad Telefoon ama is gaadhsiineedba.

Iyadoo la tixraacay haddalo arrintan la xidhiidha oo hore madaxda Wasaarradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta uga soo baxay. Islamarkaana la tixgeliyay isku dayo hore oo la doonayay in wax lagaga qabto hawshan oo aan shaqayn, waxaa la isla qaatay.

Go’aamaddan.

In Warbaahintu cadayso mar labaad inay ka midaysan-tahay danteedda. Islamarkaana dib u eegis ku sameyso wadda shaqaynta ay la leedahay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan shirkada Telesom.

In la caddeeyo in aan warbaahintu eegan karrin in si toos ah loola wareego shaqadoodda.

In ay arrintan Warbaahintu guddi u saarto,(Taasoo la magacaabay) si guddigaasi ugala hadasho cabashada ay qabto Hay’adaha dawlaga ah ee ay khusayso, una diyaariso haddii loo baahdo talaabooyinka lagaga gaashaamanayo.

Waxaa la isla qaatay oo kale in bulshadda loo ogolaado inay baahin karraan dhibaatooyinka shirkadahani ku hayaan.

Shirka waxaa ka qayb-galay:

Madaxda ururka Warbaahinta Ee Solja.

Wargeyska Hubaal.

Wargeyska Saxafi

Wargeyska Geeska Afrika

Wargeyska Somaliland Today

Wargeyska Himilo

Wargeyska Waaheen

Wargeyska Haatuuf

Wargeyska Sahan

Wargeyska Saxansaxo

Wargeyska Foore

Wargeyska Jamhuuriya.

Wargeyska, Ogaal

Wargeyska Dawan

Wargeyska Warsugan

Wargeyska Hubsad

TV Station

Tv Horn Cable

Tv Bulsho

TV Somaliland Space Channel

TV SomNews

TV Somali Channel

Star Tv

Universal Tv

Somali Cable

Royal TV

SBC TV

Kalsan tv

Bulsho Tv

Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa oo ka la qaatay go’aamadan masuuliyiin ka soctoy shabakadaha wararka Intarnetka.

Warbaaahinta Qurbejoog.com waxay taageeraysaa go’aanka ka soo baxay ururka suxufiyiinta Somaliland iyo Jaraa;idada madaxabanaan .

 

Comments are closed