|

Nuxurka War-murtiyeed Jaaliyadda Uk Ee Beesha Badhtamaha, Bariga iyo Koonfurta Hargeysa Degaa Kasoo Saareen Mashruuca Waddada Cad

London:Aug,24,2015(SDN/QJ)-Jaaliyadda Dalka Uk ee Beelaha  IsmacIil(Ciidagale), ayaa soo saartay War-murtiyeed ay kaga hadlayaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen   Mashruuca Waddada Cad, waxana ay Guddida Waddadaas gacanta ku haysa ugu baaqeen inay garabkooda taagan yihiin.

digaWar-murtiyeedka ay Jaaliyaddaasi Soo Saartay oo Nuqul Kamid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa u dhignaa sidatan:

Bismillaahi Arramanirraxeem.  dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Walaallayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinnay annaga oo ah guddida jaalliyada beesha UK isla markaana ku hadlayna  magaca ururka Gaaroodi , farriin ay na soo gaadhsiiyeen guddida mashruuca waddad cad ee (Hargeysa/Salaxley/Ina-Guuxaa)Kaas oo ah gabagada dhammaystirka mashruuca waddada cad waxaana lagama maarmaan ah in laga wada qayb qaato.

Farriinta ay na soo gaadhsiiyeen  guddida mashruuca waddad cad ee (Hargeysa/Salaxley/Ina-Guuxaa) waa tan

GUDIDDA MASHRUUCA DHISMAHA WADADA CAD

 

(Hargeysa/Salaxley/Ina-Guuxaa)

Email: wadadacad2012@yahoo.com Mobile4424854/4429777/4423482/4424150/4034999

Ref/MJHSG/200/2015                                                                           Date: 23//08/2015

KA QAYBQAADO MASHRUUCA KHEYRIGA AH EE DHISMAHA WADADA CAD.

Mashruuca dhismaha wadada cad ee isku xidha Hargeysa/Salaxley/ ina-guuxaa wuxuu dhawaan bilaabayaa wajigii saddexaad ee mashruuca ugu dambeeyey oo ah wado laami ah oo dhererkeedu yahay 34 Km.

Waxaa dhamaanaya wajigii labaad oo ah wado laami ah oo dhererkeedu yahay 36 Km,oo tuulada Qoolcaday kor udhaafeysa.Waxaa markaas laga codsanayaa dhamaan muxsiniinta- daneeya mashaariicda kheyriga ah inay ka qaybqaataan mashruuca,iyagoo tabarucaadkooda kusoo hagaajinaaya ciwaanka iyo xisaabaha xawaaladaha iyo bangiga salaama ee hoos ku xusan.

Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare). Guddoomiyaha, Mashruuca dhismaha Wadada cad. Mobile No:0025263-4424854

Xisaabaha mashruucu ku leeyahay   ee bangiga salaama iyo xawaaladaha waxay kalayihiin.

 DAHABSHIIL,HARGEYSA: Account No.26000

    XAWAALADA MUSTAQBAL Online,2030

    SALAAMA BANK: Account No : 60029985

    XAWAALADA KAAH, Account No:1071

    ZAAD SERVICE : 4840000

Guddoomiyaha jaalliyadda UK,

Beesha badhtamaha ,koonfurta iyo bariga Hargaysa. Ahna guddoomiye ku xigeenka, Ururka Gaaroodi,Deeq Cabdi Digale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed