|

Nuxurka War-murtiyeed 7-Qodob Ka Kooban Oo Laga Soo Saaray Shirkii Garowe Uga Socday Dawladda Federal-ka iyo Maamul-goboleedyada

Garowe:May,02,2015(SDN/QJ)-Kadib muran iyo isfaham waa muddo soo jiitamayey, ayaa aakhirkii qoddobo la isku afgartay laga soo saaray shirkii Magaalada Garowe uga socday Dawladda Federal-ka Somalia iyo Maamul-goboleedyada.

garocQodobada lagu heshiiyay ee ay isla garteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa ka kooban 7-qodob, waxana Qoddobka ugu horreeyaa ka hadlayaa Fulinta Heshiisyadii hore maamulladu uwada gaadheen, iyadoo guddi gaar ah arrintaas dabagalkeeda loo saaray.

Toddobada Qodob ee lasoo saaray, ayaa sidatan u dhignaa:

1:Fulinta heshiisyadii hore loo gaadhey

2:Dastuurka iyo arrimaha federaalka

3:Dhismaha maamullada qaybta ka noqonaya federaalka.

4:Higsiga 2016

5:Amniga

6:Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah

7:Baahinta maamulka-

Qodobadaan ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed