|

Nuxurka Sababo Afar ah Oo Soo Dedejiyey Qabsashada Xillligan ee Degmada Baardheere

Bardhere:Jully,24,2015(SDN/QJ)-Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyey sababaha xilligan soo dedejiyey gulufka colaadeed ee Ciidamada Huwanta ahi ku ekeegeen Degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo magaalooyinka kale eek u hareeraysan oo ay shabaabku muddo dheer kasoo talinayeen, waxana si weyn la isu weydiinayaa sababta xilligan keentay.

georAfar waxyaabood ayaa loo sababeynayaa gulufka colaadeed ee ku kala wajahnaa degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo hadda gacantii Alshabaab ka baxday.

1 – Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo ay saaran yihiin cadaadis ku aadan qabashada degmooyinka ugu waaweyn oo Alshabaab ku sugan yihiin ka hor 2016 oo doorasho la filayo iney ka dhacdo Soomaaliya, laakiin lama oga nooca doorashada noqon doonto.

2 – Iyadoo ciidamada AMISOM markii ugu horeysay diyaarado dagaal hawada ay ka taageerayaan si loo ilaaliyo iney isku gurmadaan ciidamada Alshabaab ee dagaalka kula jira AMISOM.

3 – In midowga Africa uu doonayo waxyaabo lagu faani karo ay hordhigaan madaxweynaha Mareykanka Obama oo booqanaya xarunta Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa

4 – In ciidamada Ethiopia ay toos u weerarayaan degmooyinka Jubbooyinka ay kaga sugan yihiin Alshabaab, ka dib hishiis ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Sidoo kale dadka falanqeeya arimaha amaanka ayaa sheegaya in howlgalkan uu afartaasi waxyaabood kaga duwan yahay howgalkii badweynta India oo lagu qabtay degmooyin Alshabaab kaga sugnaayeen Shabeelaha Hoose iyo gobolo kale.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed