Nuxurka Qoraallo Lagu Laalay Kiiskii Wargeyska Hubaal Loo Haystay, Xayiraaddiina Lagaga Qaaday
Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Maxakamadda Gobolka Hargeysa, ayaa markii Labaad xorriyadiisii dib ugu soo celisay Wargeyska Madaxa Bannaan ee Hubaal oo muddo sanad iyo Bil ah ka hor la xayiray, kadib dacwad ay kusoo oogeen xubno xukuumadda ka tirsani.
Sidoo kale waxay ay Maxkamaddu gebi ahaanba Meesha ka saartay oo Baabi’isay Kiiskaas Wargeyska Hubaal Maxkamadda ka yaallay oo ahaa mid ciqaab ahaa, waxana dhamaan Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso lagu wargeliyey in Wargeysku dib ubilaabi doono Hawlihii shaqo ee uu Bulshada u hayey.
Sida lagu sheegay laba qaraar oo shalay uu soo saaray Gar-soore Xuseen Maxamed Jaamac oo gal-dacwadeedka Kiiskan ayaa lagu wargaliyey Hay’adaha Amniga in Xayiraadii saarnayd Wargeyska Hubaal laga gaaqay, isla markaana ay u madax banaan yihiin hawlahooda. Sidoo kalena Amray hay’addaha Amniga iyo Kaaliyaha Maxkamaddaba inay ka saaraan Diiwaanka Dacwadaha, sidaasina ay ku oodan tahay dacwadda ay soo oogtahay xeer ilaalintu ee ay eedaysanayaasha ka yihiin mas’uuliyiinta HUBAAL, isla markaana ay dhibanayaal ka yihiin. Labada Qaraar ee Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac Soo saaray ayaa u dhignaa sidan:
MGH/DDL/1282/2013
Dhibanaha 1aad: Qaranka JSL
Dhibanaha 2aad: Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan
Eedaysanayaal: Maxamed Axmed Jaamac (Calooley)-Guddoomiyaha Wargeyska HUBAAL Xasan Xuseen Cabdillahai (Keefkeef)—Tifaftiraha Wargeyska HUBAAL
Kuwaas oo ku eedaysan qoddobka:- 215, 452, (3), 328, 45, 71, XCG
Ujeedo: Qaraar Oodis Dacwadeed
Maxakamadda Gobolka Hargeysa / Maroodi-jeex
Markay aragtay: Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisa iyo dhinacyadiisuba sare ku xusan yihiin
Marykay Aragtay: Xaashida Eedda ee Sumaddeedu tahay XIG/H/854/2014, kuna taariikhaysan 17/08/2014, kuna eedaysan yihiin eedaysanayaasha sare ku xusan
Markay Aragtay: Mudaymaha ay Maxkamaddu u muddaysay dhegeysiga dacwadda ciqaabta ah ee sumaddeedu sarfe ku xusan tahay, kuna kala taariikhaysan 27/10/2014, 28/11/2014, 13/12/2014. Oo aanay hor iman maxakamadda dhibanihii iyo maragyada dacwadda, Mudaymahaasna ay ku guul-daraysteen in ay dhaqaajiyaan dacwadda.
Markay Aragtay: Qoddobka 72, 76, 84, 85, XHC
Sidaasi darteed Maxakamaddu waxa ay soo saartay qaraarkan:-
Maxakamadda Gobolka Hargeysa waxa ay Ooday gal-dacwadeedka ciqaabta ee summadiisu sare ku xusan tahay, maanta [Shalay] oo ay bishu tahay 11/01/2015.
Maxakamadda gobolka Hargeysa waxa ay u madax banaanaysay isla markaana ay xayiraadii saarnayd ka qaaday Wargeyska HUBAAL laga bilaabo maanta [Shalay] oo ay bishu tahay 11/01/2015.
Waxa la farayaa in uuka jaro diiwaanka dacwadaha ciqaabta ah.
Qaraarkani waxa uu soo baxay maanta [Shalay] 11/01/2015.” Ayaa Gar-sooraha Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex ee gacanta ku hayay dacwadani Xuseen Maxamed Jaamac ku yidhi qaraarkiisa 1aad. Sidoo kale Qaraarka labaad ee Xayiraad ka qaadista Wargeyska HUBAAL ee uu Gar-soore Xuseen Maxamed Jaamac soo saaray ayaa iyaduna u dhignayd sidan:
Ku: Taliyaha Baadhista Dembiyada ee C.I.D-da
Og: Xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi jeex (Cabdi Ibraahim)
Og: Maxakamadda Sare ee JSL
Og: Maxakamada Gobolka rafcaanka
Ujeedo: Amar Xayiraad ka qaadis Wargeyska HUBAAL
Maxakamadda Gobolka Maroodi –jeex/Hargeysa
Markay Aragtay: Gal-dacwadeedka Summaddiisu tahay: MGH/DDL/1282/14
Marykay Aragtay: Codsiga Xayiraad ka qaadista ee Ku taariikhaysan 11/01/201 Ujeedadiisuna tahay xayiraad ka qaadista Wargeyska HUBAAL , kana soo baxday xafiiska Qareenka Wargeyska HUBAAL.
Markay Aragtay: Warqadda Summaddeedu tahay MHG/DDL/1282/14 ee ku taariikhaysan 12/12/2014, ujeedadiisuna tahay amar xayiraada Wargeyska HUBAAL, kana soo baxday Maxakamada Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa.
Markay Aragtay: Warqadda Sumaddeedu tahay MHG/DDL/1282/2014 ee ku taariikhaysan 24/08/2014, ujeedadiisuna tahay soo gudbin Amar kasoo bar bixin natiijo baadhis kana soo baxday xafiiska ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodi-jeex.
Markay Aragtay: Qoddobada 72, 76, ee XHC iyo Asbaabahaas sare ku xusan dartood waxa ay Maxakamada gobolka Maroodi-jeex soo saartay amar Xayiraad ka qaadis Wargeyska HUBAAL laga bilaabo Maanta (shalay) oo ay bishu tahay 11/01/2015.
Haddaba Sidaas daraadeed waxa ay maxakamada Gobolka Maroodi-jeex idinku amraysaa cidda ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in ay Maxakamadu ka qaaday xayiraadii saarnay Wargeyska HUBAAL, maanta oo ay bishu tahay 11/01/2015.
Sidaas iyo wada shaqayn wacan
Xuseen Maxamed Jaamac
Gar-sooraha Maxakamada Gobolka Hargeysa.
SDN/QJ