|

Nuxurka Qodobo Guurka lagu Fududaynayo,Lagu Wanaajinayo Barbaarinta Ubadka oo Hargaysa lagu Shaaciyay Iyo Qorshaha Xukuumada DAAWO

masaajid-300x120Hargeysa, 29 January, 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa sheegay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhallinyarada budhcada ah, waalidiinta iyo cuqaasha dabagasha marka ciidammada ammaanku gacanta ku dhigaan.

Sheekh Khaliil oo khubad ka jeediyey xidhitaanka kulamo diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa oo arrimaha qoyska lagaga hadlayey waxa uu tilmaamay in dhallinyaro badan ciidammada ammaanku gacanta ku dhigeen, qaar la maxkamadeeyey, inta hadhayna lagu daba jiro, waxaannu waalidka ugu baaqay in ay ubadkooda ilaashadaan.

Comments are closed