|

Nuxurka Qodobada ka soo Baxay Shirkii Beesha Warsangeli ee Degmada Xiingalool DAAWO

Xiingalool 07.Sep 2014 (SDN/QJ)- Shirweynaha Guud ee Beelaha Warsangali ee ‘’GUULEED 2’’  ayaa si rasmi ah loo soo afmeeray,kaasi oo todobaadkii ugu dambeeyay ka socday degmada Xingalool ee Gobolka  Sanaag.

 

Ajandaha guud ee shirka ayaa ahaa;-

1-Turxan bixin.

2-Wada-tashi.

3-Midnimo.

4-Nabadgalyo.

5-Illaalinta deegaanka.

6-Hortmarka.

7-Cadaalada.

Qodobada kaso baxay shirka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa;-

 

1-In la sameeyo Guddi turxan bixin oo ka shaqeeya Midnimada iyo wada jirka Beelaha Warsangali.

 

2-In la illaaliyo deegaanka,lagana hortago wax kasta oo dhibaataynaya deegaanka.

Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay dadkii ka qayb galay shirka,oo isugu jiray;-Hogaamiye dhaqameed,Qurba-joogta,dhalinyaro,Aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Si kastaba ha ahate,shirweynaha dhaqan ee Beelaha Warsangali ayaa kuso dhamaaday jawi wannaagsan.


Xiingalool SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed