Nuxurka kulan gaar ah oo Madaxweyne Siilaanyo xarunta Madaxtooyada kula yeeshay hoggaanka xisbiga KULMIYE, maxaase lagu faaqiday?
Hargeysa 25, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan masuuliyiinta xilalka haysa.
Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa, waxay ujeedadiisu ahayd soosaarista xubnaha hoggaamin doona ololaha doorashada Deegaanka ee loo asteeyay inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada bisha November ee sannadkan.
Siday ku warantay idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa, waxaa xubnaha Xisbiga ee kulankan la qaatay Madaxweynaha horkacayay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyadoo si qotodheer loo darsay hanaanka uu xisbigu isugu diyaarinayo doorashada Golayaasha Deegaanka ee loo asteeyay 28 November, maadaama dib loogu noqday marxaladii ururada siyaasada .
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban siiyay Warbaahinta Qaranka, waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid la xidhiidhay sidii guddiyo ka socda golaha Dhexe ee KULMIYE loogu kala diri lahaa gobolada dalka, si xisbigu ugu diyaar garoobo doorashada deegaanka, Isagoo xusay in la isla eegay oo kale sidii loo saari lahaa xubnaha hogaamin doona ololaha doorashada deeganka,waxaanu intaas ku daray gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye inaanay ka qeyb gelin kulankan xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.
Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isna ka hadlay kulankaasi oo uu tilmaamay in Madaxweynuhu shir la yeeshay hoggaanka iyo xubno ka mid ah golaha Dhexe, taasoo qayb ka ah u diyaargarowga doorashooyinka Deegaanka.
Afhayeenku waxa uu xusay in Madaxweynuhu xaq u leeyahay in Xisbigiisa oo ah kii laga soo doortay, isla markaana uu aasaasay uu ula kulmi lahaa hogaankiisa iyo Golaha Dhexeba, si wixii talooyin ah uu ugu biiriyo.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com