Nuxurka kulan dhexmaray saddexda Xisbi, ururada cusub ee tartanka u gudbay iyo Komishanka Doorashooyinka
Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in guddiga Diiwaangelintu u soo gudbiyeen ururada siyaasadeed ee u gudbay ka qaybgalka tartanka doorashada Deegaanka oo la filayo inay dhamaadka 2012 qabsoonto.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda Hargeysa, waxa uu sheegay inay hadda Komishan ahaan ka hawlgalayaan sidii loo qaban lahaa doorashada dawladdaha Hoose oo sanado badan dib uga dhacday xilligeedii. “Waxa guddida Diiwangelintu ay noo soo gudbiyeen liiska Ururradii soo gudbay, taasoo ay anagana Komishan ahaan wax badani nagaga xidhnaayeen,” ayuu yidhi afhayeenku. Wuxuuna intaa ku daray, in inkastoo ay sanado u xanibnaayeen arrimaha la xidhiidha furista ururada siyaasadeed, kala-reebistooda iyo hawshoodaba, ay haatan bilaabayaan dejinta qorsheyaasha lagu qabanayo doorashada raagtay ee Deegaanada Somaliland.
Waxa uu sheegay in KDQ, xisbiyada kumeel-gaadhka ah ee Kulmiye, UCID iyo UDUB, guddiga Diiwaangelinta iyo lixda urur-siyaasadeed ee soo gudbay, ay kulan la yeesheen arrimaha doorashada Deegaanka. “Waxaanu ka wadahadlay qaabka aanu wax u wada bilaabayno,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Ururada waxaanu ku wargelinay inay is abaabulaan xagooda.”
Ugu dambayn, afhayeenka Komishanka Doorashooyinku waxa uu sheegay inay hadda sugayaan kharashkii ay hawsha qabanqaabada iyo qabashada doorashada ku bilaabi lahaayeen, wuxuuna tilmaamay in qayb ka mid ah lacagtaas laga sugayo Xukuumadda, iyadoo qaybta kalena ay ka rejaynayaan Qaadhaan-bixiyeyaasha ajaanibka ah ee dhinaca taabogelinta geedi-socodka Dimoqraadiyadda ka taageera Somaliland.
Guddiga Doorashooyinku waxay xilli sii horeysay sheegeen inay doorashada ku qaban karaan April 2012, inkastoo ay sida muuqata riixday hawsha furista iyo kala-reebista ururada cusub ee siyaasadeed, taasoo guddigii loo xilsaaray soo gunaanaday 20-kii bishan aynu ku jiro ee April 2012.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com