|

Nuxurka Kulan Dhex Maray Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo Xisbiga Waddani ka Tirsan Iyo Salaadiinta Gobolka Hawd

Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):-Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi iyo Suldaan Cabdilaahi Laydh.

Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd is xog waraysi guud iyo mid gaar ahaaneed oo dhex maray siyaasi Ibraahin Daahir Dubad iyo salaadiinta deegaankiisa.

Siyaasi Ibraahin

Daahir Dubad oo hadal ka jeediyey kulanka uu la yeeshay salaadiinta deegaankiisa ayaa kula dardaarmay isku duubnida iyo sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen ka shaqaynta horu marinta deegaanada kala duwan ee ay matalaan.

waxa kale oo siyaasi Ibraahin Daahir Dubad u soo jeediyey salaadiinta inay si foojigan isha ugu hayaan xaalada siyaasadeed ee wadanku ku jiro, waxaanu ku booriyey inay salaadiintu wax walba ka horu mariyaan danta Dadka iyo deegaanka ay matalaan.

Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad ayaa salaadiinta kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danta guud ee dalka, fiiro gaar ahna siiyaan arimaha amniga maadaama oo wakhtigan la galayo doorashadii madaxtooyada, waxaanu u soo jeediyey inay wada shaqayn buuxda la yeeshaan hay’addaha amniga, isla markaana ka shaqeeyaan sidii ay doorashada sadexaad ee madaxtooyada somaliland ee fooda inagu soo haysaa ugu qabsoomi lahayd si nabad galyo ah.

Dhinaca kale xubnaha salaadiinta ah ayaa soo dhaweeyey kulankan uu ku qaabilay siyaasi Ibraahin Daahir Dubad, waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan ka shaqaynta danta guud iyo ta deegaanada ay matalaan.

Sidoo kale salaadiinta ayaa sheegay inay sii laban laabi doonaan dedaalkooda maadaama wakhtigan loo diyaar garoobayo qabsoomida doorashada madaxtooyada somaliland.

Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad iyo salaadiinta ku wehelinayey kulankan ayaa u duceeyey suldaan Bare Xaaji Xuseen oo xaalad caafimaad kaga maqnaa kulanka isla markaana ilaahay uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo.

Ugu dambayn kulankan labada dhinac dhex maray ayaa ku soo dhamaaday jawi degan iyo is afgarad buuxa.

Comments are closed