|

Nuxurka Kulan dhex Maray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Somaliland

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, kulankaasi oo ka qabsoomey xarunta dhexe ee Xisbiga.

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

 

Kulankaasi oo daba socdey mid toddobaadkan aynu ku jirno ay la yeesheen Ururada Bulshada Rayidku Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Ujeeddada kulankaasi oo ahayd sidii Ururada bulshada Rayidka ahi ay ula wadaagi lahaayeen tallooyin iyo qoraallo ku saabsan hannaanka doorashooyinka la filaayo iney qabsoomaan iyo diwaangalinta waddanka ka socota.

 

Ugu horreyn waxa ay ururada bulshadu la wadaageen Guddoomiyaha qoraal ay ku soo ururiyeen tallooyinkooda ku aadan sidii wakhtiga dhiman laysku waafajin lahaa in doorashada u diyaargarawgeeda si hufan looga wada shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, isla markaana loo xoojin lahaa sidii doorasho xor iyo xallaal ahi ay waddanka uga dhacdo wakhtiga loogu tallo galay, iyo waliba iyaga oo ku booriyey in Xisbiga UCID uu kaalin weyn ka qaato hannaanka horusocod ee lagu hiigsanaayo doorashooyinka soo socda sidii ay wakhtigoda ugu dhici lahaayeen.

 

Ugu dambeyntii dhammaan Ururadii bulshada ee kulanka ka soo qeyb galay waxa ay su’aalo ka weydiiyeen Guddoomiyaha xaalada u diyaargawga doorasho aragtida xisbiga UCID, isaga oo mid mid uga warceliyey weydiimahaasi oo dhan. Kulankaasi waxa uu ku so dhammaadey si wacan oo dhinacyadu isla qaateen sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka.

Comments are closed