Nuxurka Kulan dhex Maray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Weftiga Urur Goboleedka Igad,Iyo Warbixin dheer oo la Kala qaatay
Hargaysa 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo ku xigeenka labaad ee Gudoomiyaha Mudane Dr. Cali Yusuf Axmed ayaa Maanta kulan kula qaatay Xafiiska Gudoomiyaha Cirro Wafti ka socday IGAD oo kala ahaa:Ambassador Maxamed Cabdi Afey Uqaybsanaha IGAD ee Somalia/Somalilanda Dr. Axmed Xasan mataan Uqaybsanaha Caafimaadka ee IGAD
Ugu horayn Dr Axmed Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta iyo kulankan ay la yeelanayaan Gudoomiyaha isagoo intaa kadibna hadalka ku wareejiyay Ambassador Maxamed Cabdi Afey, oo isaguna ka waramay sababta socdaal kooban iyo kulankan ay layeelanayaan Gudoomiyaha.
Waxa uu sheegay in Ambassador maxamed Cabdi afey in sababta ay halkan u yimaadeen tahay inay ogaadaan sida wanaagsan ee ay Somaliland wax u qabsatay dhinacyada amniga, caafimaadka iyo arimaha kale ee bulshada, islamarkaana maadaama ay Somaliland ay ka mid tahay bulshooyinka IGAD in wixii laga caawin karayo laga caawiyo iyadoo loo eegayo hadba baahiyaha ugu muhiimsan.
Waxa kale oo uu sheegay Ambassador Maxamed Cabdi Afey in Somaliland ay ku casuumi doonaan shirwayn oo caafimaadka ku saabsan oo ka dhacay Addis-Abbaba kaas oo ay kasoo qayb gali doonaan ilaa 500 oo wufuud ah, halkaas oo la filayo in laga helo kharashyo dheeraad ah oo wax lagaga qabto dhinacyada caafimaadka ee bulshooyinka wadamada IGAD.
Waxa uu sheegay in shirkan ay Gudoomiyaha layeelanayaan ay doonayaan inay ku ogaadaan, waxyaalaha ugu muhiimsan Baarlamaan ahaan iyo institutions-ka kaleba ee ay u baahanyihiin si ay IGAD u hordhigaan marka fund la helana ay Somaliland qaybteeda uga hesho.
Sidoo kale waxa uu sheegay Ambassador –ku in IGAD danaynayso nidaamka doorasho ee ka hirgalay Somaliland in uu halkaa kasii socdo isla markaana ay wixii taageero ah ee ay ku caawin karaan lagarab taaganyihiin.
Waxa oo uu taabtay in maadaama uu mudo dheer baarlaman soo ahaan jiray uu garanayo waxa uu yahay baarlamaanku oo la’aantiis aanay dawlad nimadu wax jira noqonayn inuu isagana ogaado wixii caqabado ah ee haysta, maadaama ay leeyihiin qayb arimahaas wax kala caawisa wadamada IGAD.
Intaas ka dibna waxaa hadalka la wareegay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo waftida uga mahad celiyay booqashadooda warbixin balaadhana ka siiyay xaalada guud ee dalka dhinac siyaasadeed iyo dhinac bulsho labadaba, isagoo sidoo kale ka waramay baahiyaha ugu muhiimsan ee xiligan horyaala Somaliland wax uu sheegay.
Ugu horayn waxa uu ka sheegay Gudoomiyuhu in Somaliland ay baahi u qabto ka qayb galka forums-ka caalamiga ah taas oo waxyaalo farabadan oo iskaashi iyo waxyaalo farabadani ay kaga xanibanyihiin.
Waxaanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Baarlamaanada taas oo ilaa hada aan noo suuro galin marka laga reebo Common wealth-ka oo mararka qaar nagu casuuma tababarada.
Waxa uu ka waramay Gudoomiyuhu sida ay Somaliland ugu baahantahay inay wax kasoo gaadhaan mashaariicda IGAD hadii uu Baarlamaan yahay iyo hadii uu Wasaarado yahayba. “Sida aad ogtihiinba Somaliland waa dawlada iyadu isa samaysay ilaa imika ma hesho wax caawimo oo toos ah, miisaaniyada Somaliland waxa markii uu baalamankani yimid waxay ahayd 40 milyan iyadoo imika maraysa ilaa 250 milyan intaas oo sixir bararkiina ag socdo” ayuu Yidhi Mudane Cirro
Dhinaca Baarlamaanka waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in markii Baarlamaankani yimid la isticmaali jiray aqal yar oo kooban oo ingiriisku ka tagay, kaas oo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenadu isku xafiis ahaan jireen. Inkastoo imika loo dhisay dhismayaal wanaagsan hadana wali waxa uu u baahanyahay in loo dhiso oo imika baahiyaha ugu horeeya ka mid ah library iyo Caffateria.
Gudoomiyuhu isagaoo arintaa sii wada waxa uu sheegay in inkastoo uu jiro haykalkii guud ee Baarlamaanku in hadana aanay Xildhibaanadu lahayn xafiisyo goboladii ay ka yimaadeen xataa kharash ay ku tagaan aanay haysan.
Waxaa dhawaan naga caawisay hay’adda UNDP oo shan xafiis nooga kiraysay Gobolada xafiisyadaasna cid naga caawisa hadii aanu heli lahayn way fiicnaan lahayd.
Baahida kale ee Baarlamaanka haystaa waxa ay tahay in Guddiyadu aanay heli Karin inay u safraan wadamada jaarka si ay aqoon korodhsi uga soo sameeyaan.
Waxaan IGAD usoo jeedin lahaa Imika Baarlamaanka xiligiisu wuu dhamaaday markaa inay naga caawiyaan doorashooyinka soo socda oo wixii doorasho wanaagsan caawinayaba ay nala garab taagnaadaan waayo farsamo ahaan dhibaatooyin badanbaa jira sida meelaha fog fog oo kale malaha laydh taas oo keenta oo goobaha doorashooyinka hore loo xidho. Iyo inay goob joogayaal usoo diraan doorashooyinka.
Xaga ciidanka waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in ciidanku uu dhisanyhayahay laakiin marwalba uu u baahanyhay in tababar joogto ah la siiyo iyo in lagu caawiyo waxyaalaha ay u baahanyiin sida qalabka rabshadaha lagaga hortago.
Xaga dab damiska hada ayaa hargeisa laga aas aasay magaalooyinka kalana sidaa si leeg bay ugu baahanyihiin.
Xaga caafimaadka run ahaantii baahi aad u wayn baa ka jira oo waxaaba lagu garan karaa in Somaliland Hargeisa uu ka jiro hal dhakhtar oo ingiriisku ka tagay magaalooyinka kalana kasii liitaan, miisaaniyada yare ee Somaliland soo ururisaana 50% waxay ku baxdaa amaanka iyadoo iyadoo 50% ka soo hadhayna aanu ku filayn sectors-ka kale oo dhan.
Gabagabdii wax uu shirku kusoo gabagaboobay in Ambassador maxamed Cabdi Afey uu sheegay in warbixintan iyo kuwa madaxda kale ay kala kulmeenba ay hordhigi doonaan IGAD islamarkaana ay doonayaan in kharasha IGAD hesho loo ga faa’idooyo bulshada Geeska Africa oo Somaliland na ay ka mid tahay taasna ay ku dadaali doonaan.
Hargaysa SDN/QJ