Nuxurka Kulan ay Yeesheen Gudiga Nabadgalyada ee Caasimada iyo Maayarka oo ka hadlay {DHAGAYSO}
Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Maamulka Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ayaa Maanta Kulan la qaatay Gudiyada Nabadgalyada ee Degmooyinka Caasimada Hargaysa iyagoo ka wada hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Xidhiidhka Wada Shaqayneed ee u dhexeeya.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ahna Maayarka Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay kaalinta y Gudiyadani ka qaadan karaan Sugida Nabadgalyada Caasimada waxaanu xusay in Kulankan ka ku xiga ay u yeedhi doonaan Madaxda iyo Hogaanada Ciidanka Booliska si ay isula eegaan Falalka Kufsiyada iyo Tuugada ku soo Korodhay Caasimada.
Maayarku waxa uu Gudiyadan kula dardaarmay inay Wada Shaqayn Mug leh la yeeshaan Ciidanka Booliska isla markaana ay la socodsiiyaan Xaalad kasta oo ku soo Korodha Degmooyinka ay ka hawl galaan.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Maayarka caasimada iyo Gudiga Nabadgalyada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GudidaNab&M.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com