Nuxurka Kulan ay wada yeesheen Isbahaysigii KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI
Hargaysa 03. October 2016 (SDN/QJ):-Siyaasiyiinta Isbaahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa kulan ku daba socda wadahadalkii u socday iyaga iyo WADANI saaka ku yeeshay Magaaladda Hargaysa.
Kulan labada dhinac waxa xagga Xisbiga WADANI hoggaaminaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen Ku-xigeendiisa iyo Xoghayaha guud, dhinaca Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ayaa iyaguna ka koobnaa dhammaan Xubnihii ku midoobay Isbaahaysiga kuwaas oo u dhammaa kulanka.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay shirkaas, balse wararka ku dhawdhaw kulankaas ay maanta yeesheen Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka Xisbiga WADANI oo ku xidhiidhsanaa wadahadaladii u socday, waxaa lagu qaada dhigaayay qodobada ugu culus ee gundhiga u noqonaayay heshiis ay wada gaadhaan labada dhinac, iyadoo la filaayo haddii ay isku afgartaan kulankaas inuu gunaanad u noqon doono wadahadalkiii labada dhinac sidaana ay Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ugu biiridoonaan Xisbiga ugu weyn Mucaaridka Somaliland ee WADANI, taas oo wax weyn ka badali doonta Saxada Siyaasadda Somaliland.
SOO KALA BAXA