Nuxurka Kulan Al-baabadu u xidhnaayeen oo Dhex maray Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada iyo wasiir Xirsi
Hargeysa:8-Sep-2013(SDN)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maalintii shalay kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland.
Kulankan oo ka dhacay Xafiiska gaarka ah ee Guddidaas, ayaa ahaa mid xog-waratsi ahaa oo salka ku hayey xeer dhawaan wasiir xirsi u soo Gudbiyey Golaha wakiillada oo ku saabsanaa Horumarinta waddaaoyinka.
Sidoo kale xeerkan ayaa ah mid xambaarsan cashuuro xad-dhaaf ah oo uu waajibinayo Haddii la meel mariyo, waxana jira warwar wasiirka ka haysta ansixinta xeerkaas, sidaas darteed waxa uu isku dayeyaa inuu marka hore Guddida arrimaha Bulshada si fudud u qaadsiiyo, si ay iyaguna u hulluuqsiiyaan Gole-weynaha kale.
Maadaama kulankani ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, ma jiraan wax war oo rasmi ah oo ka soo baxay, balse xubno ka tirsan Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha oo aanu xidhiidh la samaynay, ayaa caddeeyey inay wasiirka halkaas ku waydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha xeerkan uu wato iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay si ay Guddi ahaan Macluumaad uga helaan inta aanay hor geynin Golaha kale.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayay hoos timaadaa Hay’adda wadooyinku, taasoo Madaxweyne Siilaanyo sanadkan Siyaasadda Miisaaniyadiisa 2013-ka uu ku caddeeyay in horumarinta Wadooyinku u tahay Muhiimada koowaad ee Xukuumaddiisu fulinayo, isagoo dhamaan Dhaqaalaha Horumarinta ee Miisaaniyadda ku jira ku tilmaamay in ay dhamaantood noqon doonaan kuwo Wadooyinka wax lagaga qabto.
Xukuumaddu iyadoo ka duulaysa talaabadaas ay hoosta ka xariiqday, waxa ay Xeerkan ku jidaysanaysaa dhaqaale buuran oo wax ka tara baahidaas, waxana ay haatan wadataa qorshe cashuur dheer ah lagu saarayo Xoolaha ka dhoofaya Somaliland, waxaanay arrintaasi Dood adag ka dhex dhalisay Ganacsatada iyo Xukuumadda, halka dooddaasi ay gashay Golaha Baarlamaanka oo sharciyaynta Cashuurtan isagu awood u leh sharciyaynteeda.
Somalidiasporanews.com