Nuxurka khudbadihiii musharixiinta qaarkood ay ka jeediyeen xarunta gollaha shacabka DAAWO
Muqdisho 02. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maanta khudbadahooda ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ilaa 7 musharax oo ka mid ah 24 musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaana muuqatay in musharixiintii hadashay oo idil ka sinnaayeen arimo dhowr ah sida wax ka qabashada amniga iyo cadaallada oo musharax walba ay qeyb ka mid ah khubadiisa taabaneysay.