Nuxurka Khudbada Madaxweyne Siilaanyo ee Shirkii Maanta ee Golaha Dhexe,Sababaha uu cuskaday Tanaasulkiiisa DAAWO
Hargaysa 10.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyey Kulanka 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa dib ugu noqday Taariikhdii Xisbiga Kulmiye waxa uu Xusay in dabayaaqadii Sannadkii 2002-dii ay ku aasaaseen xisbiga Kulmiye oo Xiligaas ahaa Urur Siyaasadeed isagoo sheegay in Mudo Kooban Markii uu Kulmiye Jiray inuu ku dhiiraday ka qayb galka doorashadii golayaasha deegaanka ee dhacday dabayaaqadii isla sanadkaas 2002-dii isla markaana uu ku soo baxay Kaalinta labaad.
Waxa uu Mudane Siilaanyo ka hadlay oo kale in doorashadii 2003 dii ee Madaxtooyada faro guudkood lagaga helay Xisbiga Kulmiye,Waxaanu intaas ku ladhay in aqbaladii Natiijadu ay ka mid ahayd sababihii Xisbiga Kulmiye u Suurto geliyey inuu ku guulaysto doorashadii Madaxtooyadda,Waxaanu Madaxweynuhu Sheegay inuu Xisbiga Kulmiye ka soo Gudbay duruufo la Moodayay inuu Burbur ku dhow yahay isagoo xusay inuu Khilaafaadkaas ka sii qaado dardar iyo dhiig cusub Waxa uu Mudane Siilaanyo intaas ku daray inaanu wax eed ah ku lahayn Khilaafkii ka dhashay Xisbiga Kulmiye ka hor qabsoomida Shirka Maanta
Madaxweynaha J.S.L Waxa uu kulankaas ka Cadeeyay inuu ka Tanaasulay Mudo Xileedkiisa labaad ee distooriga ah inuu ku tartamo doorashada Madaxtooyadda Isla markaana uu fursad siinayo saaxiibadiisa ay halganka dheer soo wada galeen.