|

Nuxurka Khiddad Madaxtooyadu Dejisay Oo Lagaga Daba Tegayo Go’aankii Guddoomiye Cirro Uu Keligii Madaxweynaha Waraaqda Ugu Soo Celiyey

Hargeysa:Sep,08,2015(SDN/QJ)-Kadib markii uu Guddoomiye Cirro dhawaan Go’aan isaga gaar u ah dib ugusoo celiye warqad kaga timi dhinaca Madaweynaha, ayey madaxtooyadu soo diyaarisay qorshe cusub oo ay Arrintaas kagaga takhalusayso.

ciroMadaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay qorshaysay inaanu Madaxweyne Siilaanyo mar kale dib ugu celin guddoomiye Cirro qoraal jawaab celin ah, waxaanay doorkan madaxtooyadu ciyaaraysaa kaadh kale oo ah in xildhibaanada taageersani mooshin geeyaan golaha wakiilada.

Markaas ka dib xildhibaanada muxaafidka ah ee golaha wakiilada ayaa diyaariyay mooshin ay doonayaan inay ku soo celiyeen go’aankii ay golaha wakiiladu ka gaadheen wareejinta haamaha shidaalka Berbera. Xildhibaanada muxaafidka ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda guddoomiyaha golaha wakiilada u gudbiyaan mooshin ay saxeexeen oo ay ku dalbanayaan in dib loogu noqdo go’aankaas ay golaha wakiladu hore uga gaadheen haamaha shidaalkaas, kaas oo si adag uga cadhaysiiyay xukuumadda iyo taageerayaasheedaba.

Mooshinkan maanta la gudbinayo waxa saxeexay tiro xildhibaano ah oo gaadhaya 40 mudane. Xildhibaanada muxaafidka ah ayaa la sheegay inay diyaarsadeen tirada lagu gudbin karo mooshin, lamase garanayo sida uu sharciyan ugu suurtogeli karo, maadaama oo uu go’aankaas hore ahaa go’aan uu golaha wakiiladu gaadhay.

Waxase la saadaalinayaa inuu mar dambe golaha wakiilada ruxi doono loolan awoodeed iyo siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-cirro, kaas oo soo noolayn doona uun muranadii siyaasiga ahaa ee dalka iyo bulshadaba wareeriy..

 

Xigasho:Wargeyska Geeska

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed