|

Nuxurka Ka Soo Baxay Shirweynihii 4-aad ee Iskaashiga Afrika iyo Kuuriya

Addis Ababa 11. December 2016 (SDN/QJ):- Shirweynahii Afraad ee kuuriya iyo Afrika ayaa todobaadkan ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Addis-ababa, kaas oo lagu calaamadinayay qorshe iskaashi oo lagu xoojinayo xidhiidhada dhaqaalaha, siyaasada iyo bulshada ee u dhexeeya ururka midnimada Afrika iyo Kuuriya.

iskaashiga-afrika-iyo-kuuriyaShirweynahan iskaashi ee labadan dhinac oo ay tahay markiisii ugu horaysay ee lagu qabto gudaha Qaaradda Afrika waxaa ka qaybgalaya madax kala duwan, wakiilo ganacsi iyo goobjoogayaal kale oo caalami ah, waxana si weyn loogu eegayaa kulamadii hore u dhexmaray Kuuriya iyo wakiilada dalalka Afrika, halka sidoo kalena la isku dhaafsanayo aragtiyada cusub ee ku aadan horumarinta kala duwan.

Fadhigii ugu horeeyey ee kulanweynaha oo qabsoomay maalinimadii arbacada ee 6 December 2016  waxa  dib loogu eegay waxii ka hirgalay heshiisyadii labada dhinac ku gaadheen kulankii kan ka horeeyey, waxaana laga soo saaray xog dhammaystiran oo arintaa la xidhiidha.

Ugu yaraan 14 wadan oo ay metelayaan 150 xubnood ayaa guud ahaan lagu casuumay inay ka soo qaybgalaan shirweynaha waxaana si wadajir ah u gudoomiyey shirka Wasiirka Arimaha Dibada ee Kuuriya Yun  Byung-se iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

 

Maalinimadii khamiista ee 7 December 2016 waxaa shirweynaha lagaga hadlay xaaladda amni iyo ta nabadgelyo ee Afrika iyo wax wada qabsiga Kuuriya iyo Afrika ee ku saabsan wadaagista horumarinta dhaqaalaha, isdhaafsiga dhaqanka, carwada ay soo bandhigto Wakaalada iskaashiga caalamiga ah ee Kuuriya iyo mashaariicda iskaashi ee ka socda Afrika.

Shirweynahan Afraad ee Kuuriya iyo Afrika waxa qabanqaabadiisa lahaa wasaaradaha Arimaha Dibada ee Kuuriya iyo Itoobiya oo uu weheliyo ururka Midnimada Afrika, iyadoo sadexdii shirweyne ee ka horeeyayna lagu qabtay Magaalada Seoul sanadihii 2006, 2009 iyo 2012.

Comments are closed