|

Nuxurka Jawaab Ay Madaxda Heer Gobol Ee Guddida Doorashada Oo Iska Difaaceen God-daloollooyin Ay Mas’uulliyiin Reer Awdal Ahi Ka Muujiyeen Kaadh Qaybinta Awdal Ka socota

Boorama 04. May 2017 (SDN/QJ):- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo ay wasiirro iyo xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Awdal u jeediyeen oo ay ku sheegeen in aanay sidii loogu talo galay uga socon gobolkaasi kaadh qaybinta laga bilaabay.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka ee Gobolka Awdal Faarax Ismaaciil Sidci oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Boorame, ayaa eedaymahaasi ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin, waxaanuu ku sifeeyey masuuliyiinta cabashadani ka soo yeedhay kuwo doonaya in ay gobolka wax ka dhimaan goobaha loogu talo galay.

Guddoomiyaha Komishanka Awdal Faarax Ismaaciil Sidci oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waa nasiib darro in uu maayirkii dhamaa ee degmada Boorame garan waayo tiradii goobaha kaadh qaybinta ee degmadiisa oo uu 42 goobood ku sheego, waxa ay ahayd in uu waraysto oo uu Komishanka u yimaaddo, Badhasaabka Gobolka Awdalna waxa ay ahayd in uu anaga na waraysto in uu Telefishan fadhiisto ma aha, boqol iyo todoba iyo afartan kun oo qof oo kaadhkoodii yaallaan oo gobolka Awdal ah in boro bogaando la geliyo ma aha, qoladan wasiirada ah ee hadlayeyna wax faa’iido ah umay keenin gobolka dhibaato ayuunbay u keeneen, in dadka la firdhiyana ma aha in la soo dhoweeyo ayaa loo baahan yahay, wixii cabasho wadana diyaar ayaanu u nahay, Gobolka Awdal waxa loo soo kordhiyey mooyaane wax laga jaray ma jiraan, cidda cabanaysaana waxa ay doonayaan in wax laga jaro oo goobo laga jaro la iskuna cel celiyo”

Guddoomiye Faarax Ismaaciil Sidci oo hadalkiisa sii wada waxa uu sheegay in dadka ay u xusheen kaadh qaybintu yihiin kuwo ay ka qaateen jaamacadda Camuud oo aqoon u leh shaqada ay u dirteen, cidda wax ka sheegtaana ay tahay mid aanay waxba ka jirin cabashadooda, waxaanuu yidhi “Jaamacadda camuud aad ayey noo gacan qabatay cidda wax ka sheegaysaana waa cid aan waxba garanayn ee leh waxa la qaatay dad aan aqoon u lahayn, qof kasta halka uu ka qaatay kaadhka ayuunbuu ka codayn doonaa oo uu tegi doonaa maalinta codaynta” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Awdal Faarax Ismaaciil Sidci.

Comments are closed