Nuxurka Heshiis ay Ku Baxayso 23-Million Oo Euro Oo Ay Hargeysa Ku Kala Saxeexdeen Somaliland iyo Dawladda Jarmalku
Hargeysa:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Magaalada Hargeysa waxa shalay lagu saxeexay Mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo adeegyo isugu jira ballaadhinta Biyaha iyo Bilicda Caasimadda Hargeysa, Carro-celinta Beeraha Somaliland,iyadoo Heshiiskaas ay qalinka ku kala duugeen Dawladda Somaliland iyo Baanka KFW oo laga leeyahay waddanaka Jarmalka.
Saraakiil sare oo Baankaas ka socota, ayaa Hargeysa u yimi sidii ay heshiiskaas ugeli lahaayeen, waxana wehelinayey Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Kulankaas heshiiska ay labada dhinac ku kala sexeexdeen Khamiistii Shalay, ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ee magaalada Hargeysa. Waxa markii heshiisku dhacay ka dib Saxaafadda faahfaahin ka siiyey Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Duqa Caasimadda, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.
Lacagta Mashaariicdan ku Baxaysa, ayaa lagu sheegay inay Tahay 23-million oo lacagta Yurub ah, waxana la filayaa inay dhawaan Bilaabmi doonaan Hirgelintoodu.
Dawladaha Reer Yurub, ayaa inta badan Mashaariic noocan oo kale ah ugu ballanqaada somaliland, waxase jirta caqabado badan oo sababay inaanay mashaariicdaasi wali midho dhalin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com