Nuxurka Dooddii Maxkamadda Ku Dhex Martay Baashe Cawil iyo Qareenada Haatuf iyo Su’aalo Daran-doorri ah Oo Salka ku Haya Saddex Kiis Oo Wargeyska Ka Dhan ah
Hargeysa:May,27,2014(SDN/QJ)-Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Soddoggga u yahay ee Baashe Cawil oo dhibane ka ah Dacwaddda lagu Haysto Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee Haatan Xidhan, ayaa Maxkamadda Horkeenay Waxyaabaha uu iskaga Difaacayo Eedaha loo jeediyey, iyadoo Furantay Kiiska dhegaysiga Dacawaddu.
Baashe Cawil ayaa Maxkamadda Horteeda Keenay Qorraalo Tiro badan oo uu ku deedafaynayo Eedaha loo jeediyey, kuwaas oo Haddii ay Run yihiin Halis ku ah Sumcaddiisa iyo Midda Qoyska Madaxweynahaba.
Wiilkan ayaa Su’aalo ku Darran doorriyey Qareenada Wargeyska Difaacaya, isagoo ku andacoonaya in si toos ah looga Been Abuurtay oo gefaf cad-cad laga Galay.
Qoddobada uu Baashe adeegsaday, isla-markaana uu Maxkamadda ka hor akhriyey ayaa u dhignaa Sidan:
“Waxyaabaha Sharaf iyo sumcad dilid ee uu Wargeyska
Haatuf uu iga qoray waxa ka mid ahaa Bishii April wuxu Wargeyska Haatuf qoray War ku saabsan Wiil uu
Madaxweynuhu Sodog u yahay oo 19 Mashruuc tuuladiisii uu geeyey isaga oo waata Sagaal Wasiir, qodobkaasi waa Qodob ka mid ah qodobada aan Jaraa’idka Haatuf ku soo dacweyey aniga oo ah Muwaadiin Somalilander ah oo shicib ah, Runtii Arrintaasi uu wargeyska Haatuf iga qoreyn may ahayn mid Sal iyo Raad toon ah leh waana been cad, waxa Mashaariic ah oo aan Tuladeyda geeyeyna ma jirto, mana jirto wasiiro aan kaxaystay awood aan ku kaxeystan ma lihi, laakiin waxay ahayd Mid aniga toos laysoo abaaray oo sharaftayda shakhsiyan in lagu dilay ay tahay, wasiiraduna ay ahaayeen wasiiro dawlada Somaliland ka socday, marka waxaan leeyahay Arrintaasi ay iga qoreen cadeynteeda iyo halka ay ka keenen Maxkamada ha horkeenan.”Ayuu Baashe Cawil maxkamada ka Yidhi.
Isaga oo sii wata Wararka Kale ee wargeysku ka qoray ayaa waxa kale oo uu Maxkamada ka yidhi Sidan. “Qodobka Labbaad ee wargeyska Haatuf uu iga qoray waxa uu ahaa mid ku soo baxay Bishii April 4-teedii oo ahayd Aniga oo ah Baashe in aan Warqad ka sito Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh oo ah mid aan ganacsiga Somaliland iyo Somaliya aan ku matalayo, marka arrintaasi laftigeeda waxaan Maamulka Wargeyska Haatuf Guddoomiyaha iyo Tifatirahaba ka codsanayaa in ay arrintaasi cadeeyan ee ay leeyihiin wuxu haystaa warqad, Qodobka Saddexaad ee Haatuf uu iga qoray waxa weeyi Qoraal lagu qoray Bogga Haatuf.net oo ay yidhahdeen labba Milyan oo lacag ah oo hore looga qabtay oo dib loogu soo celiyey iyada oo lacag faalso ah ay dawlada Keniya ay u soo celisay, waxaanan leeyahay.
Warkaasi sal iyo raad toona malaha waxa lacag ah oo layga qaadayna ma jirto, Qodobadaasi ayaa ka mid ahaa Qodobaadii uu Baashe Cumar uu maxkamada horteeda ka sheegay isaga oo hoosta ka xariiqay wakhtigaasi dhegeysiga maxkamada lagu jiray in tan iyo Maalintii ay Bilaabeen in ay Qormooyin been ah ka qoraan ay u dheertay Cay, Sumcad dilis joogto u noqotay oo ay ka baahin jireen Maamulka Wargeyska Haatuf, waxa kale oo Baashe Maxkamada ka hor sheegay in uu saddexdaasi Qodob in ay soo bandhigaan cadeymihii wararka ay ka qoreen.
Intaa Markii uu Baashe Cawil Maxkamada ka hor sheegay ayaa waxa Bilaabmay in Qoladii Xeer illaalinta ka socday iyo qoladii Loyaradii difaacayey wargeyska haatuf ay su’aalo waydiiyan.
Xeer illaalintii waxay waydiisay in ay jirto waxa dhibaato ah oo hore u dhex martay Baashe iyo Yuusuf Cabdi gaboobe , waxaanu halkaasi ka sheegay in wax dhibaato ah ama dagaal ah oo dhex maray aanay jirin, waxa kale oo ay waydiiyeen in uu garanayo sababta ka danbeysa ee uu wararkaasi uga qoreyey, waxaanu ku jawaabay in aanu garanayn, balse Yuusuf Cabdi gaboobe la waydiiyo.
Halka Markay sheekadu mareysay Qoladii Difaaceysay Wargeyska Haatuf ayaa Su’aalo waydiiyey Baashe waxana Su’aalihii ka mid ahaa Waliga Xamar ma tagtay?
waxaanu Baashe ku jawaabay in aanu Xamar Tegin. waxa kale oo ay waydiiyeen in aanu wargeysku Xusin magacisa oo uu yidhi wiil uu madaxweynuhu Sodog u yahay ayaa Deegankiisi geeyey Mashaariic maxaad ku cadeynaysaa in adiga lagu sheegayo, waxaanu ku jawaabay in aanay jirin qof kale oo madaxweynaha la xidid ah oo deegankiisa Mashaariic laga fuliyey maalintaasi warka uu wargeysku qorayey, waxaanan u arkaa arrin aniga layla jeeday oo aniga laygu weerarayey oo warar been ah layga qorayey, warkaasi ka horna wargeysku waxa uu iga qoray warar ka horeyey oo eedeymo laygu soo jeedinayey waxaan u arkaa in ay kuwii daba socoto.
Waxa kale oo ay waydiiyeen Waxa uu ka shaqeeyo ee uu qabto, waxaanu ugu jawaabay in uu yahay Nin Ganacsade ah, intaasi waxay raaciyeen in Hantidiisu sugnayd madaxweynuhu intii aanu madaxweyne Noqon, waxa uu ku jawaabay in hantidiisu sugnayd oo uu ahaa nin iskii u shaqeysta Hanti lahaa Guryo lahaa, isaga oo hoosta ka xariiqay in waxaasi oo dhan cadeymaheedii uu hayo haaddii loo bahdo uu maxkamada horkeenayo, waxa kale oo ay Waydiiyeen in uu Gurri Baashe ka Iibsaday Caasimada Keniya ee Nairoobi maxaase aad ka doonta Nairoobi mise ma noo sheegim kartaa in aad kiinaya aad tagto iyo in kale?
waxaanu ku jawaabay waan ku sheegi karaa oo Nairoobi waan tagaa reerkaygaa degen, waxa kale oo ay waydiiyeen in ay jirto in uu Gurri ka Iibsaday Nayroobi oo ay lahayd safarada Najeeriya, waxaanu sheegay in aanay jirin waxa gurri oo uu ku leeyahay Nayroobi iyo mid uu iibsadeyba, laakiin Nayroobi waan ku noolahay reerkayga degen gurri Kiro ahana waan ku jiraa, haaddii loo bahdo in guriga aan ku jiraa uu yahay gurri kiro ah waan soo bandhigi karaa oo waxaan haystaa heshiiskii guriga aan ku kireystay.
Dacwadda ayaa la sugayaa inay Sii Socon doonto ayaamaha soo socda, iyadoo la filayo in la sii dhegaysto dhinacyada kale ee Wargeyska Haatuf dacwadda ku Haysta oo wasiirro ah.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
,