|

Nuxurka Dood Xiiso Badan Oo Xisbiyada Qaranka Iyo Golaha Guurtidu Isku Weydaarsadeen Muranka Ka Dhashay Heshiiskii Madaxtooyada Lagu Gaadhay

Hargeysa:May,30,2015(SDN/QJ)-Xisbiyada qaranka somaliland iyo Golaha Guurtida,  oo si weyn iskugu maan-dhaafsan heshiiskii dhawaan laga gaadhay Muddo-kordhintii Guurtidu samaysay, ayaa maalintii shalay Dood adag jilbaha isku daray, waxana Qolo waliba ku andacoonaysaa in Tallaabada ay qaadday tahay middii loo baahnaa ee xaqa ahayd.

IN HODooddan ay idaacadda BBC-du u qabatay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabee, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax, ayaa dhinacyadu kusoo bandhigeen Qoddobada ay  dooddooda u cuskanayaan, waxana ay qolo waliba muujisay waddada ay u arkaan in muranka soo kordhay lagaga gudbi karo.

Dhinacyani waxa ay meelo kala duwan ka istaageen sharcinimada Heshiiskii dhawaan Axsaabta iyo xukuumaddu ka gaadheen Murankii Go’aanka Guurtida ka dhashay, waxana soo baxday in ay Guurtida iyo Axsaabtu kusii kala fogaanayaan marka la eego cidda leh awoodda mudo-kordhinta, iyadoo xubinta Guurtida Doodda uga qaybqaatayna meel adag iska taagtay heshiishkaas, isla-markaana deedafaysa.

Ugu Horrayn Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye  oo  faahfaahin ka bixiyey sababta keentay Murankan dambe iyo heshiiska axsaabta dhexmaray ee Guurtidu  saluugtgay, ayaa sheegay in  arrintu ahayd mid madaxweynuhu go’aansaday, isla-markaana looga dan lahaa inaanay mar kale doorasho dib udhicin, waxana uu ku adkastay inay Guurtidu leedahay sharciyadda muddo-kordhitna, “ Muddo-kordhinta waxa ugu horrayn xaq uleh Golaha Guurtida, laakiin markii muddo-kordhintaasi sooo baxday in labada xisbi ee mucaaridka ahi ay ku dhegeen Muddadii Komishanku cayimay, iyadoo madaxweynuhu uu khilaafkaas meesha ka saarayo sababtoo ah si aanu wakhti dambe oo muddo  kordhin kale keeni karaa inaga lumen, ayuu madaxweynuhu gogol u fidiyey, halka aanu ka duulaynaana waa in la helo khilaaf la’aan oo caqabadaha ka horreeya  muddo kahor lasii dhameeyo, arrinta Guurtidu laakiin waa arrin Distoori ah, qoddobka aanu isku raacnay Saddexda Xisbina waa saddex Bilood halla soo hormariyo wakhtiga Doorashada Madaxtoyada iyo Baarlamaan.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Doodda Jaamac shabeel waxa gaashaanka u daruuray Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo isagu hoosta ka xarriiqay in Go’aankii Guurtidu muddo-kordhinta ku sameeyeen uu ahaa mid Distoori ah oo aan ka noqosho lahayn, waxana uu yidhi,“Go’aan baa Golaha kasoo baxay Distoori ah oo Goluha xilkiisii iyo waajibaadkiisii ah, waxa mucjiso nagu noqotay Go’aankii aanu soo saarnay oo laga dhigayo khilaaf oo waliba Axsaabtu ka dhigayso waxana. muhiimaddu tahay laba gole ayaanu u kordhinay oo labada marka xilku ka dhammaado ay tahay awoodaha Golahani leeyahay, go’aankiina Goluhu wuu Gaadhay,  codkii ugu  badnaana wuu ku ansixiyey codkii shacabkana wuu helay, sidaas Goluhu go’aaankaas  u gaadhay shacabkuna ku taageereen, ayuu Go’aankaasi u yahay u yahay Go’aan rasmi ah oo aan wax-ka-bedde lahayn.”

Jaamac shabeel  ayaa isagu ku dooday inaanay arrimaha Doorashada xaq u lahayn Golaha Guurtidu, isla-markaana ka-talo bixinteeda ay Xukuumadda, Komishanka iyo Axsaabtu iska leeyihiin,

“Saddexdayada xisbi December Doorasho waa la qaban karayaa baanu isla garanay, Hawlo badan baana u yaalla oo ay tahay in la qabto Guurtidu. Hawlaha Doorashada shaqo kuma laha, hawlahaas  dhamayntooda waxa ku shaqo leh Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda. Haddaanu dhamaysano annagu intaas oo doorashadu ay diyaar garowdo sabab ay Guurtidu isu hortaagto oo ay tidhaahdo doorasho la qaban maayo meesha ma taallo.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isagu si weyn uga so horjeestay doodda Guurtida ay wali ku daba socdaan  heshiiskii saddexda Xisbi-qaran iyo xukuumaddu gaadheen, waxana uu yidhi, “meesha xeerarkii baa yaalla guurtiduna waxay leedahay Waajibaad Distoori ah, mana cayinto Maalinta Doorashooyinka, waana oggolahay in la kordhiyo oo waa maslaxad xeerna ma aha. Guurtiduna waxa Madaweyne-ku-xigeenku saxeexay, ee Saddexda Xisbi qaran isla garteen yaanay ku meeraysan.”

Mujaahid Boobe oo Hadalkiisa sii wata, ayaa farta ku fiiqay inay Guurtidu go’aankeeda ku salaysan Muddo-kordhin siyaasi ah oo aan waddanku u baahnayn, “guurtidu waxay raacay Muddo-kordhin siyaasadeed, waliba iyadoo aan la garanayn cidda loo kordhinayo, maadaama oo aanu Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa midna codsanin”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, ayaa isagu markale muddo-kordhitna muddada dheer ah daliil uga dhigay Degmooyinka Bariga dalka ku yaalla oo la doonayo in doorashada laga hirgeliyo iyo waliba in la kala duwo doorashooyinka ka dhacay Somalia iyo Somaliland, waxana uu yidhi, “distoorkaa  noogu sarreeya, distoorkuna waajibaad buu nasiiyey muhiimadduna waxa weeye shan doorasho ayaa dhacay, siddeed degmo oo somaliland kamid ah kama ay dhicin, haddii maanta siddeeddii degmo ee aan doorashadu ka dhici jirin ee Bariga somaliland oo uu Go’aankayagu ku salaysnaa Haddii ay axsaabtu ixtiraami waayaan, waxay noqonaysaa in maalin walba somaliland qayb kamid ah ay lunto israacsanaantii dhuleed ee somaliland waxa laga qaylinayaana saddex Bilood bay ku salaysan yihiin. Waxanu diidanahay ta beesha caalamku doonayso oo ah In doorashooyinku somaliland iyo Somalia mar ka wada dhacaan.”

Xildhibaan Indho-indho oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in HeshiiskaAxsaabtu gaadheen yahay distoor jebin aan loo baahnay, waxana uu sheegay inaan cabashada arrintaas aan guurti ahaan marnaba loola iman,“Haddii Cabasho timi in naloo yimaaddo ayey ahayd, go’aanka naga soo baxayna cid nooga timi ma jirin, waxana aanu u arkaynay wax aan suurtogalba ahayn, Axsaabi meel ay ku jirtaana ma jirto, Haddii waajibaadkii Guurtidaa lagu soo duulay waa Badheedh cad oo distoor jebin ah oo dhibaatadeeda leh oo la baabi’inayo Muddo-kordhintii Golaha Guurtida.marnaba waxan ay nimankani ka sheekaynayaan ayaa imanaya ismaanu lahayn, magaaladana waanu joognay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu dhinaciisa sheegay in Ra’yiga Guddoomiye  Saleebaan eek a dhanka ah Heshiiskii axsaabtu gaadheen aan loo dalishan Karin Kii Goleweynaha,  isagoo farta ku fiiqay  in cidda waxa lagu heshiiyey kasoo horjeedsataa ay horseed ka noqonayso farogelin kasta oo timaadda, waxana uu  yidhi,“Marka uu Guddoomiyaha Goluhu leeyahay waanu diidanahay dee Arrinka waa inuu Gole Diidaa, laakiin Ma aha in Ra’yi shakhsi lagu cabiro. Ciddii gar-diid ah ee waxaaas lagu heshiiyey  diiday ayaa beesha caalamka ku marti-qaadaysa inay ina soo farogeliyaan.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo doodda kusoo noqday, ayaa si cad usheegay inuu socdo Inqilaab uu sheegay inay Beesha caalamku somaliland kusoo qaadday, kaas oo ay Axsaabtuna Gacan-yare ka tahay, sida uu sheegay,“ Beesha Caalamku inay inqilaab sharci samayso, Axsaabtuna ay gacan-yaraal u noqdaan shacbiga somaliland  yeeli maayo, Go’aanka Golaha Guurtiduna waa sidii, madaxweynuhun 18-Kii may buu taageeray.”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa dooddiisa kusoo xidhay Sida uu xalka u arko, waxana uu yidhi,  “xalku waa fudud yahay oo go’aankii wax baa laga beddeli karaa, laakiin qaab  sharci ah waa in loo maraa, muhiimadduna waa inaanu dhamayno hawlaha ina horyaalla ee culculus”

Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isagu xalka ku sheegay in Haddii la kala bixi waayo arrinta loo gudbiyo Maxkamdda Sare si ay fasiraad u bixiso, waxana uu yidhi, “Xalku waa in wixii waajibaad ah ee madaxweynaha iyo xukuumadda kala gudboon waa in la fuliyaa iyo  sidii loo waafajin lahaa wixii guurtidu Go’aamisay. Wixii intaas ka dambeeya waxa loo baahan doonaa inay kaxkamadda distooriga ahi sharraxdo Go’aankii Guurtidu inuu sharci ahaa iyo inaanu ahayn.”

Dooddani waxay ay muujisay sida ay dhinacyadu ugu kala aragti duwan yihiin Xallinta Khilaafkii taagnaa iyo dariiqii loo maray, waxase aan meel laga dhaafaa jirin in Go’aankii Guurtidu marwalba ahaa Midka Sharciyadda iska leh, basle waxa ay Su’aashu tahay sida Go’aankaas looga gudbi lahaa, iyadoo  la kala fogaanin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed