|

Nuxurka Bayaan Ay Soo Saareen Musharaxiinta Isbahaystay Ee Kulmiye


Hargeysa,6Nov,2015(QJ/SDN)
-Warsaxaafadeedkii Murashixiinta Isbahaysiga ah ka soo saareen Yeedhmadii Xoghayaha oo dhamaystiran

Jawaab

Anagoo ah musharaxiinta hoos ku saxeexan ee Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga uga sharraxan jagooyinka musharaxa madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Golaha Dhexe, waxaanu halkan kaga jawaabaynaa qoraal war-saxaafadeed ahaa oo laga soo saaray Xafiiska Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo warbaahinta loo soo mariyey musharaxiinta danaynaysa inay jagooyin uga tartamaan shirka Golaha Dhexe ee loo muddeeyey inuu qabsoomo 10-ka November, 2015, laguna wargelinayo musharaxiinta in ay saddex cisho gudahood ku yimaaddaan xarunta xisbiga si loogu sheego shuruudaha u yaalla musharraxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda.

Haddaba, waxaanu u aragnaa in tallaabadani ay tahay tallaabo kale oo cid aan awood sharci u lahayni ay si badheedh ah u maroorsanayso. Waxaanu ognahay in xeerarka khuseeya musharaxiinta jagooyinka Madaxweyne, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ay yihiin Dastuurka Qaranka Xeer Lr 20/2001 iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe ee xisbiga, shuruudaha laga doonayo musharaxiintaasina ku qeexan tahay xeerarkaas, iyadoo xeerarkaasina yihiin kuwo cid kasta oo danaynaysaaba haysato. Sidaa darteedna aan loo baahnayn in nalooga yeedho xarunta xisbiga si naloogu sheego wax aanu ognahay.

Waxa iyana muhiim ah in la ogaado in aanu Xoghayaha Guud ahayn ciddii buuxinta shuruudaha xeerarku u dhigeen musharaxiinta ku hubin lahayd.

Qodobka 16aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Dhexe ee xisbiga, farqaddiisa 4aad, waxay qeexaysaa sidan:”Iv. Guddi gaar ah oo guddoonka Golaha Dhexe ee xisbigu magacaabo, Golaha Dhexena ansixiyo ayaa musharaxiinta ku hubinaysa shuruudaha kor ku xusan.”

Isweydiintu waxay tahay ma jirtaa guddidaa gaarka ah ee ay jidaysay farqadda (Iv) ee qodobka 16aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbigu?

Jawaabtu iyadoo cad, haddana waxaanu kooxda shirka toocsanaysa ee debedda uga baxday xeerarkii xisbiga u sheegaynaa in guddidii lagala xidhiidhi lahaa musharaxnimada jagooyinka looga tartamayo Shirka Golaha Dhexe ay ku xidhan tahay shir loo dhan yahay oo inoo qabsooma oo marka hore doorta guddoonkii Golaha Dhexe ee guddidaa gaarka ah magacaabi lahaa, dabadeedna uu guddidaa gaarka ah ee xisbigu shirkiisaa ku ansixiyo kadibna ay guddidaasi hawl-gasho, natiijada hubintana ku soo celiso guddoonka Golaha Dhexe si uu isna ugu bandhigo shirka.

Maaha qodobkani ka kaliya ee illaa hadda la jabiyey, waxa qodobbada xeer ee hore loo jabiyey ka mid ah qodobka 33aad ee Dastuurka Xisbiga farqadiisa kh ee u dhigan sidan: (Marka laga reebo awoodaha dastuurkan xeer hoosaadka Golaha Dhexe iyo Go’aamada Golaha Dhexe ay siinayaan guddida fulintu waxay leedahay awoodaha soo socda:

“Kh. Waxay socodsiinaysaa hawl-maalmeedka Golaha Dhexe”

Ku gefidda qodobka 33aad (KH), waxay meesha ka saartay wada tashigii xisbigu caanka ku ahaa, waxaanay xisbiga u gacan gelisay koox dan gaar ah wada leh oo iyadoo aan xeer siinin muddeysatay shirka, cayimaadda taariikhda qaadashada kaadhadhka, u yeedhaysa musharaxiinta, illaa haddana iska wadata diyaarintii shirka, kuna talo jirta inay shirka iska maamulato, iyadoo aanay waxba kala socon Guddoomiy ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga ee shaqada la leh hoggaanka xisbiga intiisa kale, saddexdii musharax ee ka midka ahaa afarta musharax madaxweyne, musharax mdadaxweyne ku-xigeen, musharax guddoomiye Golaha Dhexe oo dhamaantoodba doonaya in shirku noqdo saaxad loo siman yahay iyo waliba xubnihii guddida fulinta ee shaqada maalinlaha ah ee xisbiga lahayd intoodii badnayd.

Sidaa darteed, mudane Madaxweyne, adigoo ah marjacii lagula noqon lahaa khilaafaadka laysku mari waayo ee ka dhex dhasha xisbiga iyo xubnaha hoggaanka ee goonida u diyaarsanaya shirka Golahaba, waxaanu halkan ugu sheegaynaa in yeedhmada musharaxiin loogu yeedhay Xarunta Xisbigu aanay ahayn yeedhmo ka soo baxday ciddii awoodda sharci u lahayd, anagana markaa aanay naga mudnayn wax tixgelin ah.

Waxa kale oo aanu mudane Madaxweyne mar kale halkan kuugu caddaynaynaa in aanu danaynayno sidii xisbiga Kulmiye usii ahaan lahaa Kulmiyihii la wada lahaa, taas oo ku iman karta uun talada oo cidda toocsanaysaa dhulka dhigto, Xeerkii Xisbiga oo loo soo noqdo, hay’adihii shaqooyinka kala lahaa oo loo ogolaado in ay mas’uuliyadooda gutaan.

Waxay mudane Madaxweyne, noogu muuqataa mowqif kasta oo aad ka qaadatay tartanka musharaxiintaba in aad wali tahay cidda qudha ee isku soo celin karta xisbigii, waxaanu markaa kaa rajeynaynaa inaad kaalintaada qaadato oo aad xal waara u raadiso mashaakilka ka jira xisbiga, lagana dhawro degdegga middi-roortayska iyo isku-dayada looga jeedo in lagu xalaalaysto shirkaas aan loo dhamayn.

Allah talada toosan hayna waafajiyo.

1.     Maxamed Biixi Yoonis oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweynaha

2.     Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweynaha

3.     Cabdulcasiis Maxamed Samaale oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweynaha

4.     Faarax Cilmi Maxamuud oo u tartamaya jagada musharaxa madaxweyne Ku-xigeenka

5.     Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo u tartamaya jagada  musharaxa Guddoomiyah Golaha Dhexe.

Qurbejoog.Com : Hargeysa

 

 

Comments are closed