Nuxurka Arrimaha La Filayo Inuu Madaxweyne Siilaanyo Maanta Khudbadiisa Distooriga ah Kaga Hadlo
Hargeysa:Mar,28,2015(SDN/QJ)-Inta badan indhaha iyo dhegaha shacabka reer Somaliland, ayaa maanta ku jeeda KHudbad-sanadeedka maanta qorshaysan ee Madaxweyne Siilaanyo labada gole u jeedin doono.
Khubadda maanta laga sugayo madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka duwan dhammaan khudbadihii uu hore ujeedin jirey, waxana ay isaga ku tahay culays ballaadhan, halka dadkana ay xiise gaar ah uleedahay, m aadaama madaxweynaha laga filayo inuu maanta shaaciyo furdaaminta mashaqooyin badan oo hoggaamintiisa ku taxan.
Madaxweynaha, ayaa arrinta ugu xaasaasisan ee dadku afkiisa ka dhawrayaan waxa ay tahay xalka uu u hayo doorashooyinka qorshaysan sanadkan Gudihiisa ee gacantiisa dib ugu dhacay, waxana hortaalla Ballan uu Baarlamaanka Hortooda kaga dhawaaqay oo ahayd inaanu Hal maalin ku dari doonin muddada xilkiisa, balse taasi maanta waa Bar-kuma-taal.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa marka la eego odoroska khubadiisa, waxa uu arrinta dib udhaca doorashada kaga jawaabi doonaa baahida loo qabo in qaranku isku yimaaddo oo talo laga yeesho waxa laga yeelayo dib u dhaca ku yimi doorashooyinkii ay waajibaadkiisa kamidka ahayd inuu hirgeliyaa.
Sidoo kale waxa uu maanta madaxweyne Siilaanyo labada gole hortooda iman doonaa isagoo afkiisa ku codsanaya in muddadii loogu talo galay aanu doorasho ku qaban Karin, waana eray uu inbadan diidanaan jirey xilligii uu halganka ugu jirey hoggaanka waddanka, waxana arrintaas loo arkaa mid caal-waa ah oo ay duruuftu ku qarqarsiday inuu sidaas yeello.
Madaxweynaha sidii horeba u dhici jirtey lagama filayo inuu wax su’aalo ah uga jawaabo xubnaha baarlamaanka, waxase muuqata inuu marka uu khudbadiisa dhamaysto ku noqon doono Qasrigiisa saldhigga u ah.
Arrimaha kale ee Madaxweynaha laga filayo inuu ka Hadlo ayaa waxa kamid ah Wada-hadalladii soomaalia iyo somaliland ee Burburay, tabashada Beelaha Darafyada iyo xidhiidhka somaliland caalamka la leedahay oo shalay oo ugu dambaysay ay Golaha Deegaanka Cardif aqoonsadeen.
Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa inuu madaxweyne Siilaanyo maanta Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiillada horkeeno jawaab cad oo xal u noqon karta Arrimaha Dib udhaca Doorashada, waxana maanta wixii kadambeeya la filayaa inay caddaan noqdaan qorshaha madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidha sida loo furdaaminayo dib udhaca ku yimid Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, xilli uu hoggaanka waddanka isagu hayo.
SDN/QJ