Nuxurka Kullan Xalay Magaalada Addis Ababa Ku Dhexmaray Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro Iyo Hogaaminaha Kooxda Khaatumo Prof Galaydh SAWIRO
Addis Ababa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):-Kullan-kan ay wadda yeesheen guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali khaliif Galaydh,ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad.
Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxa ku weheliyey dhankiisa kullankaasi Wasiirkii hore ee arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo ex Wasiir C/rasaaq Khaliif,halka ay dhanka maamulka Khaatumo-na ka socdeen Dr Cali Khaliif galaydh,Dr. Cali Ciise Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Labada dhinaca ayaa is xaal waraysin dheer kadib hoos ugu daadegay ujeedada kullan-kooda,waxaanay ugu horrayn ka wada haddlay sidii looga shaqayn lahaa midaynta Somaliland,adkayn amaanka, iyo sidii dhan looga soo wada jeedi lahaa wax kasta oo khal-khal gelinayaa amaanka,waxaana xusid mudan in ay isla afgarteen labada dhinac in xalka iyo tabashada beelaha Sool Sanaag iyo Cayn lagu dhameeyo wadda haddal.
Dhana kalena musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cirro oo halkaasi ka haddlay ayaa wacad ku maray in reer Sool, Sanaag, Cayn iyo beelaha kale ee reer Somaliland-ba ay xaqooda oo dhammaystiran ka helayaan dowladiisa,waxaanu hoosta ka xariiqay in aanu dhacay dulmi iyo sad –buursi dhanka beelaha,haddii alle qadaro.
Sidoo kalena wefti uu hoggaaminaye Cali khaliif oo halkaasi ka haddlay ay ka haddlay qiimaha amaanka,iyagoo haddalkii musharax cirro ku soo dhaweeyey farxad iyo qalbi furan,isla markaana si weyn ugu riyaaqay.
Gunaanadkii musharax Madaxweyne ee xisbi mucaaradka WADDANI C./raxmaan Cirro ayaa geed dheer iyo ku gaaban-ba u fuulay mid-nimada Somaliland,waxaanay arintaani markhaati cad u tahay sida ay guddoomiye cirro ugu go’antahay mid-nimad Somaliland,waxaana xusid mudan inuu kullan-kan ay wadda yeeshaan Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali khaliif iyo musharax Madaxweyne ee xisbi mucaaradka WADDANI C./raxmaan Cirro uu noqonayo kii ugu horreeyay,isagoo ku soo dhammaaday is afgarad,balse waxaa loo ballanmay kullamo kale.