|

NUSOJ:Waxaan Masuuliyiinta Dowlada ugu baaqayaa in shuruud la’aan lagu sii daayo Wariyaasha Iddaacada Risaala

Muqdisho Jan 04,2015(SDN/QJ)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee(NUSOJ) ayaa lagu sheegay in nasiib daro ay tahay xariga loo geystay Sedax Wariye oo ka tirsan Warbaahinta Risaala ee Magaalada Muqdisho.

“Waa arrin argagax ah xarigga shaqaalaha Idaacadda iyo aamusinta Idaacadda” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ)Masuuliyiinta Dowlada ayeey ugu baaqeen ineey si deg deg ah ku siidaayaan Shaqaalaha Idaacadda isla markaana ay ogoladaan in Idaacada shaqadeeda wadato.

“Waxaan Masuuliyiinta Dowlada ugu baaqayaa in shuruud la’aan lagu sii daayo Wariyaasha” Ayuu yiri Mohamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii danbe ee shalay Hawada laga saaray, iyadoona sidoo kale la xirey Agaasimaha, Tafaftiraha iyo mid ka mid ah Wariyeyaasha Idaacadaasi, kuwaasi oo in ka badan 15-saacadood ku jira xabsiga Ciidamada Nabadsugida.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed