Nuqul Cusub oo Qur’aanka ah oo Sacuudiga Lagu Soo Bandhigay!
Makka,6Nov,2015(QJ/SDN)-Agaasinka guud ee ammuuraha masaajiddada barakaysan ee Xaramka iyo kan nebiga , Sh. C/raxmaan Sudaysi ayaa shalay, 5tii/11/2015, ku wareejiyay nuskhad aan hore loo arag oo kitaabka Qur’aanka rukta kutubta ee masaajidka Nebiga.
Kitaabkan ayaa ka kooban 300 (saddex boqol) oo bog, bedkiisuna yahay 61.5 x 42.5 cm. Waxa loogu talogalay in loo fududeeyo soo booqadaasha maktabaddu arkidda kitaabkan, sidoo kalana la dareensiiyo muhiimadda iyo heerka ay marayso ilaalinta ay bulshada Muslimiinta ahi u hayso wixii ku saabsan kitaabka Qur’aanka iyo diinta Islaamka.
Kitaabkani waxa uu ku biirayaa nuqulladii kutubta ahaa ee waayada hore la qoray, laguna soo bandhigay madxafyada ku yaalla dalka Sacuudiga, waxa uuna gelayaa kaydka ummadda Muslimiinta ah.