Norway oo sheegtay in ay taageereyso shacabka Soomaaliyeed
Oslo March 11 2013 (SDN)— Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Norway iyo Hay’adda Norway u qaabilsan horumarinta Iskaashiga ayaa kala saxiixday heshiis suurta galinaya in wax loogu qabto Barakacayaasha ku nool Soomaaliya iyo wadamada kale.
Heshiiskaasi lacageed oo gaaraya 993 million ee lacagta Norway ee Kroner (NOK), ayaa waxaa maamuli doonta Hay’adda Norway u qaabilsan Qaxootiga NRC,iyadoo Soomaalida dhibaateyn wax loogu qabanayo.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibada Norway ayaa lagu sheegay in kharashkaasi si toos ah wax loogu qabanaayo xaaladda Nololeed ee dad gaaraya 800,000 oo ku barakacay dalalka Soomaaliya, Mali, DRC, Afganistaan, Syria iyo Dalalka deriska la ah,kuwaasi oo la rumeysan yahay inay saameyn ku yeesheen dagaalo sokeeye iyo abaaro.
Dowlada Norway ayaa mar waliba qeyb ka qaadata sidii Soomaaliya looga samatabixin lahaa daruufaha adag ee Soomaaliya.
Marka laga soo tago kaalmeynta qaxootiga waxay qeyb ka qaadataa sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya oo abaaro iyo dagaalo isugu darsoomeen.
Deeqdani waxay qeyb ka noqoneysaa caawinaada isdabajooga ah ee ka imaanaya Xukuumada Oslo.
Si kastaba ha ahaatee Hay’adda Arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Dalka Norway (NRC) waxay ka mid tahay Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Koonfurta Somalia.