Norway Oo Dalkeeda Ka Musaafurinaysa Nin Somaliyed Oo Dhalashadiisa Ka Been Abuuray
Oslo:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Dalka Norway, ayaa Maalintii shalay Go’aamisay in Khalid Axmed Taleb oo ahSiyaasi hore oo siyaasadda dalkaas heer sare ka gaadhay loo mustaafuriyo dalka Somalia.
Siyaasigan soomaaliga ah, ayaa maxkamaddu sheegtay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Dalka Djibouti, balse uu sheegtay inuu Soomaaliya kasoo jeedo, taas oo been abuur noqotay.
Khalid Axmed Taleb, ayaa dhalashadiisa saxda ah la fashiliyay sano hore, waxaana intaa u socotay maxkamad isagoona soo maray xukunno kala duwan oo ay ka mid tahay sadex bilood oo xabsi ah.
Waxaa lagu eedeynayaa ka beensheegid magangalyadiisa qoxootinimo ee dalka Norway iyo kabeen sheegid halka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.
Waxa uu ka tirsanaa sanooyin badan xisbiga Arbeider Parti qeybtiisa gobolka Hedmark ee dalka Norway, isagoona ka gaadhay heerar kala duwan. Waxaa uu siyaasadda xisbigaasi isaga baxay kadib markii la fashiliyay dhalashadiisa.
Wareysi uu siiyay saxaafadda shalay ayuu u sheegay in aanu ka nixin xukunkii maxkamadda, balse uu sugayay go`aankaasi boqolkiiba 50%.
Khalid oo magaciisa u badashay Binjamiin kadib markii la fashiliyay ayaa waxaa uu walaalkiis Ismaaciil ku waayay weeraradii argagixiso ee Norway lala beegsaday sanadkii 2011-ka, isagoona walaalkii lagu dilay weerar lagu qaaday jasiiradda Utøya oo isagu uu ka bad-baaday
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com