|

Norway oo beenisay dano inay ka leedahay Somalia,Dacwadna u Gudbisay Golaha Amaanka

Oslo 24.July (SDN) Dowladda Norway ayaa Golaha Amaanka uga dacwootay Guddiga kormeerka xayiraada hubka Somalia iyo Eriteria u qaabilsan QM oo warbixin dhowaan ku sheegay in gargaarka ay siiso Somalia uu maqaar saar u yahay danno dhaqaale oo ay ka leedahay.

Gudidga ayaa Norway ku eedeeyay in Somalia danta ay ka leedahay tahay sidii ay xoojin lahayd danaha dhaqaale ee shirkadaha shidaalka dalkeeda.

Waqad uu ku beeniyay arintaasi ayuu u diray Isniintii Knut Langeland u qaybsanaha Norway ee QM golaha amaanka.

”Ii ogolaada inaan idiin xaqiijiyo ,waxba kama jiraan warbixinta waxa nalagu sheegay oo ah in Somalia aan danno dhaqaale ka leenahay gargaarka aan siino” Ayuu yiri.

Ka dib wafdi ka socday Norway oo tagay Muqdisho ayaa 27 June,2013 labada dowladood ku galeen heshiis iskaashi ah oo ay u kala saxiixeen Wasiirada Arimaha Dibada DF halka dowlada Norway uu u saxiixay Wasiirka Horumarinta Caalamiga.

Waxa xigtay wareysi BBC-da la yeelatay Fowsiyo Xaaji oo ku adkaysatay inaysan danno gaar ah ka lahayn Norway Somalia balse ka mid tahay dalalka u danqaday dhibaatada ka jirta islamarkaasina doonaya dib u dhiska dalka.

Oslo SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed