|

NORWAY: Hooyo Soomaaliyeed Oo Laga Qaaday Wiilkeedii Curdeed Oo Bil Jira, Sababta Loo Cuskaday Iyo Xog-warrankeeda DAAWO

Oslo 04. January 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Norway, ayaa Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Oslo ka qaadday Wiilkeeda oo jira Muddo 1 Bil ah, waxayna hadda ka haystaan Muddo Laba bilood ah.
Hooyadan oo Magaceeda ku sheegtay Samiira Cabdiraxmaan Khayre oo u warrantay Warbaahinta Soomaalida, ayaa sheegtay in Dawladdu ka qaadday Wiil ay dhashay markii uu jiray bil keliya isla-markaana ay hadda ka haystaan laba bilood.
Hooyadan oo ilmaha laga qaaday iyadoon Afartan bixin, ayaa iyada oo arrintan ka warramaysa waxay tidhi, “Dhibaatada i haysataa waxay tahay waxa iga maqan Ilmahaygii, oo waxa iga qaatay Gaalada Norway.”
Hooyo Samiir oo la waydiiyey sababta ay u Cuskadeen inay Ilmaha ka qaadaan, ayaa ku jawaabtay, “Waxay leeyihiin ma siin kartid Kalgacaylkii Hooyo-nimo, Masuuliyaddiisana kama soo bixi kartid.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Anigu ilmahayga waan ku filanahay, laakiin Cidlo ayay iga haleen anigoo ah Umul ka soo baxday Cisbitaal, wayna diideen inay ii yimaaddaan ehelkayga oo i caawin lahaa.”

Comments are closed