|

Noodhadh Cusub Oo Shilinka Somaliland Ah Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Dibada Ku Soo Daabacayso & Sababta Keentay

Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan dalka keeni doonta Shilling Somaliland cusub, kaasoo ay imika ku maqan yihiin mukhalasiin sanadihii u danbeeyey ay xukuumaddu Qandaraas hoose ku siisay Daabacada Shilling Somaliland-ka.

Sida xalay lagu baahiyey qaar kamid ah degellada wararka Somaliland  lacagtan cusub ayaa la sheegay in ay caado u tahay daabacaadeed mar kasta oo sicir barar dalka ka dhaco balse ay xilligan   xukuumaddu   Doolarka ay hayso Suuqa kusoo galinayso   Doolarkii ay haysay, iyadoo  ku soo daabacanaysa Shilling Somaliland cusub ah.

Lama Oga Noodhadhka cusub ee ay Xukuumaddu soo daabacday inay yihiin kuwii hore ee shanta kun ugu saraysay iyo inay Noodhadh ka badan soo daabacday, hase yeeshee waxa la filayaa inay maalmahan lacagtaas cusub soo gaadho Baanka Dhexe ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa halkii ay Doolar ka soo galin lahayd Suuqa si qiimaha hoos loogu dhigo, waxay mushaharooyinka socda bishan ku bixisay Shilling Somaliland-kii cusbaa ee Kaydka ahaa, taasoo dadka Odorosa suuqa lacaguhu ay ku tilmaameen inaanay Xukuumaddu haynin Lacagtii Shilling Somaliland-ka ahayd ee Suuqa hore loo galiyey, taasoo lacagtii lagu soo xarayn lahaa ay tahay tan lagu soo dabaacayo lacagta cusub.

Lacagta cusub ayaa la sheegayaa in uu soo daabacayo ninkii lacagihii u danbeeyey ee intii xukuumadda Kulmiye talada haysay la wareegay soo daabacaada lacagaha cusub ee Somaliland, kaasoo macaash buuran oo aanay cidi u qiysaan ka dul qaata marka mashruucani usoo baxo.

Baanka Dhexe ayaa gacmaha ka laabtay wax ka qabashada qiima dhici shilling-ka Somaliland oo maanta uu boqolka Doolar marayo in ku dhaw sagaal boqol oo kun oo Shilling Somaliland ah, halka wasaaradda Maaliyaddu-na ay la tacaalayso bixinta Mushaharooyinkii shaqaalaha, ciidamadda iyo kharashaadka kale ee maalinlaha ah.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland C/laahi Xasan ayaa safar aan ujeedadiisa la shaacin ku maqan muddo, waxaanu iska gooshay dalalka Jabuuti iyo Ethoipia oo uu ku sugnaa bishan u danbaysay oo dhan.

Guddidii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wax ka qabashada Sicir bararka iyo sarrifka Lacagaha qalaad ayaa iyana guul-daraystay, kadib markii talaabooyinkii ay qaadeen noqdeen kuwo daaqadda ka baxay, tusaale ahaana qiimihii ay sarrifka shilling Somaliland-ka iyo Doolarka u jareen oo xadhkaha dib u goostay.

Comments are closed