|

“Noloshayda Sida uu Saddaam oo Maxbuus ahi ii Quudhsaday Cidina iima Quudhsan…!” John Nixon Qisaskii Qabashadii Sadaam

Washington 30. December 2016 (SDN/QJ):- “Markii koowaad ee aan la hadlay waxa noo kala af-celinayey turjumaan, waxaanan ku idhi; ‘Waxan kuu hayaa su’aalo aan jecelahay in aan ku weydiiyo. Waxan kaa rabaa in aad sida runtu tahay uga jawaabto. Ma fahantay? Saddaam Xuseen: Madaxa ayuu lulay! Aniga: Goorma ayay ahayd markii kuugu dambaysay wiilashaada oo nool oo aad aragto? Waan filayey in uu Saddaam noqonayo qof madax adag, laakiin waxa iga yaabiyey sida kibirka leh ee uu iigu jawaabay.  Wuxu yidhi “Horta yaad tihiin? Ma sirdoon milatari ah ayaad tihiin? Ma sirdoon caadi ah ayaad tihiin? Ii jawaaba. Caddeeya cidda aad tihiin?!” sidaa ayuu yidhi John Nixon oo waraysi dheer oo xiiso badan bixiyey.

Halkaa waxa innoo marayey qaybta koowaad ee aynu ka soo qaadannay waraysi dheer oo uu Sarkaalkii ugu horreeyey ee Waraystay markii la qabtay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Marxuum Saddaam Xuseen 13-kii December 2003-dii, John Nixon oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan CIA-da, kaasoo uu warramay ama waryasi siiyey Jariiradda caanka ah ee Daily Mail, qaybtii koowaad ee Waraysigaasna aannu idiinku soo gudbinay. Qaybta labaadna waxay u dhacday sidan hoos ku qoran ee ka bogosho wacan:-

“Waxaan isha ku dhuftay gacantiisii tunnayd ee (Taatuugu) ku Sawirnaa, waxe kale oo aan arkay Dibintiisii dhinaca u qalloocday. Hadda waxan u baahanahay in aan arko dhaawicii uu Lugta ka qabay si aan u xaqiiqsado in uu Saddaam Xuseen laftiisii yahay. Arrimo kale oo badan ayaan u baahanahay in aan ogaanno. Sidee ayay ugu suurto-gashay in uu ka soo baxsado Baqdaad? Yaa ka caawiyey? Nasiib-darro, su’aalaha wuxu ka jawaabayaa uun kuwa uu isagu doono! ‘Maxaad ii weydiin laadahay su’aalo siyaasadda la xidhiidha? Casharo badan ayaad iga baran kartaan.’ ayuu igu yidhi Saddaam Xuseen.” Sidaa ayuu yidhi Sarkaal John.

 

Waxaanu John Nixon oo sii watay sharraxaadda Waraysigaas uu ku bixiyey, waxaanu yidhi; “Wuxuu si adag uga hadlay qaabkii loo bahdilay iyo sidii xumayd ee ay ula dhaqmeen Askartii Godka ka soo saartay. Waxay ahayd wax lala yaabo in uu ka cawdo god laga soo jiiday iyo dhawr xagtimood oo la gaadhsiiyey. Wuxu ahaa Nin aan u laba lugoodin in uu qudha ka jaro Qof kasta oo dadkiisa ka mid ah oo uu doono. Surwaalkii ayuu Lugta kor uga jiiday si uu ii tuso xagtiimaha la soo gaadhsiiyey, waxan ku arkay jeexitaan hore oo bogsaday. Waxaan weydiiyey jeexitaankaasii in uu yahay Rasaas beri hore ku dhacday, Madaxa ayuu lulay si uu iigu xaqiijiyo. Waxay ahayd caddayntii ugu damabysay. Ka dibna waxaan idhi ‘Waannu qabannay Ninkii aannu doonaynay.’”

 

“Saddaam Xuseen in la qabtay waxay ahayd war aad u wanaagsan. Hase ahaatee, waxaa nooga sii muhiimsanayd in aannu wax ka ogaanno arrimo la xidhiidha Rejiimkiisa oo ahaa kuwii nagu kellifay in aannu Ciraaq ku soo duulno. Gaar ahaan waxaannu weydiinnay halka ay yaallaan Hubka Kiimikada ah ee wax gumaada ‘Weapons of mass destruction’. Jawaabtiisii waxay noqotay in uu naga Riwaayadaysto! Wuxuu yidhi Saddaam oo ku jawaabay; ‘Khaayinul-waddankii idin soo tusay Godka aan ku jiray maxay idiin tusi waayeen halka ay yaallaan Hubka Kiimikada ah ee wax gumaadaa? Jaahilnimada Maraykanka waan la yaabaa!. Duullaanka dhan ee aad Ciraaq ku soo qaaddeen ma waxaasuu ku dhisnaa?’” sidaa ayuu yidhi John.

 

Waxa uu John Nixon oo sharraxaaddiisa sii wataa intaas ku ladhay; “Saddaam Xuseen wuu sii waday hadalkii; ‘Ciraaq maaha Waddan Argahgixso ah. Wax xidhiidh ah lama lihin Cusaama Bin Laadin, mana haysanno Hubka wax gumaada… Wax halis ah oo aannu Waddamada jaarkayaga ku haynaynaana ma jirin. Laakiin, Madaxweynaha Maraykanka George W Bush ayuun baa iska yidhi Ciraaq waxay doonaysaa in ay soo weeraraan Aabbahay, waxaanay haysataa Hubka Kiimikada ah ee wax gumaada’. Jikaarkiisii Annagoo is dhaafinayna ayaannu Saddaam waydiinnay; ‘Weligaa ma ka fikirtay in aad Hubka Kiimikada ah ee wax gumaada ku isticmaasho Ciidammada Maraykanka ee ku sugan Sucuudi Carabiya? ‘Maya. Weligayo xataa maannu falanqayn arrin caynkaas ah. Ma cid Hub noocaas ah isticmaali karta ayaa jirta? Maxaa nagu kellifaya in aannu hub noocaas ah Dad ku isticmaalno Annaga oo aan nalagu isticmaalin?’ sidaa ayuu noogu jawaabay Saddaam.”

 

“Hase-yeeshee, Jawaabahani may ahayn kuwii aannu filaynay in aannu maqalno. Haddaba, sidee ayay ku dhacday in Maraykanku uu khaladka intaas leeg galo? Is-dhagaysiga Aniga iyo Saddaam muu fiicnayn. Aniguna khaladka wax baan ku lahaa. Laakiin, waxan markiiba is-weydiiyey sababta ay ku dhacday in ay Maraykanku soo qaadaan weerarka iyadoo aan lahayn xog isku buuxda? Mise Qofku Annaga ayuu nagu ciyaarayaa; si uu qabkiisii mar kale u muujiyo? Kuwaasi waa Su’aalihii aan Anigu John ahaan is-weydiinayey Jawaabaha Saddaam igaga yimi ka dib.” ayuu yidhi John oo muujiyey inuu ka qiirooday Jawaabaha Saddaam kaga yimi qaarkood.

 

Waxaanu intaas ku ladhay; “Waxan xasuusiyey Saddaam Hubkii Kiimikada ahaa ee uu ku isticmaalay Kurdiyiintii degganayd magaalada Xalabja markii uu socday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq. Aad buu u cadhooday. Waxaanu yidhi; ‘Anigu idinkana idinkama baqayo Madaxweynihiinnana kama baqayo. Wax kasta oo aan dalkayga ku difaacayo waan samaynayey. Laakiin, waxan kuu sheegayaa in aanan Anigu ahayn Qofkii amarkaa bixiyey’. Markaa, ka dib waxaannu go’aansannay inaan hakinno Waraysiga Saddaam ee aannu ku guda-jirnay. Saddaam Xuseen markii uu iga dhaqaaqayey indhaha ayuu si xun iigu gubay. Noloshayda Dad badan oo hore ayaa sidan iiga soo cadhaysiiyey, laakiin weligay sida uu Saddaam oo Maxbuus ahi ii quudhsaday Cidina iima quudhsan. Kuwa (Masuuliyiinta) iga sarreeyaa waxay ku faraxsanaayeen in aan xaqiijinnay in Maxbuusku Saddaam Xuseen yahay. Laakiin, Aniga waraysigii aan ka qaaday Saddaam wuxuu igu furay walaac badan. Dareen hoose oo naftayda ah ayaa ii sheegayey in Warbixinta uu Saddaam Xuseen i siiyey ay run tahay.”

 

“Arrimaha aan la yaabay waxa ka mid ah sannadihii badnaa ee aan Shakhsiyadda Saddaam daraasaynayey marna shaki maan gelin in Ninkii Saddaam soo koriyey ee Hooyadii qabay uu si xun ula soo dhaqmay yaraantiisii markii ay degganaayeen magaalada Tikrit. Culimada Cilmiga Maskaxda Takhasuska u leh ee loo yaqaan (Psychiatrists) ee daraaseeyey Saddaam Xuseen iyaga oo aan la kulmin waxay sheegeen in Sababta uu Saddaam Xuseen bilaa Arxanka u yahay ee uu u doonayo Hub Nukliyeer ah uu yahay dareen uu ka qaaday garaaciddii markii uu yaraa uu ku samayn jiran Ninkii Hooyadii qabay ee Adeerka u ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Nixon.

 

John oo sii sharraxaya Mucjisooyinka uu kala kulmay Saddaam intii uu waraysanayey iyo waxyaabaha xogo hore oo uu ka hayey beddelay ee uu u sheegay, waxa uu yidhi; “Laakiin, markii aannu waraysannay Saddaam Xuseen wax kasta oo aan ka aamminsanyn khalad bay noqdeen! Wuxuu noo sheegay in Ninka Hooyadii qabay uu ahaa Ninkii ugu naxariista badnaa ee uu garanayo noloshiisa, waxaanu su’aashaa iigaga Saddaam iigaga jawaabay; ‘Ibraahim Xasan Illaahow u naxariiso. Sir kasta oo uu hayo Aniga ayuu igu aammini jiray. Aniga ayuu ka jeclaa xataa Inankiisa Idham’!”

 

La Soco Qaybta Saddexaad iyo Warbixinta Xiisaha Qisadaas Haddii Illaahay yidhaahdo…….

Comments are closed