|

NISA oo xirtay Mareegyo ay lahaayeen Al Shabaab

Muqdisho (QJ) – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xirtay in ka badan 12,000 oo Akoon oo Khawaarijta (erey inta badan lagu tilmaami jiray kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab) ay ku faafin jireen warar been abuur ah oo ay dadka ku marin habaabiyaan.

“NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka u qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta, waxay ku guuleysteen inay xiraan 12,010 Akoon oo ay ku jiraan Baraha Bulshada iyo Mareegaha Wararka ee Khawaarijtu u adeegsan jireen faafinta Aragtida Argagaxisada” ayaa lagu yiri war ka soo baxay NISA.

War saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay tirada la xiray baraha bulshada ee Al-Shabaab. Horay ayaa Wasaaradda Warfaafinta u sheegtay in la xiray Baraha Bulshada ee Al-Shabaab ay ku faafin jirtay Aragtidooda.

“Akoonada la xiray intooda badan ma lahayn tixraac iyo cid raacsan, Khawaarijta ayaana si qarsoodi ah u sameystay sawirro iyo magacyo been abuur ah,” ayaa lagu daray qoraalka NISA.

Sidoo kale, NISA ayaa soo saartay shax ay ku faah faahisay xisaabaadka la xiray bishii July ilaa December 2024.

Shaxdan ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in Facebook uu lahaa tirada ugu badan ee akoonnada la xiray, waxaana ku xiga TikTok, kaddibna Telegram, waxaana ugu yar bogag internet ah, iyadoo shan keliya la xiray, sida ku cad shaxda NISA.

Comments are closed