“Ninkii Maxkamad Caalamiga Ah Nagu Geynaya Maxaad Wax U Qabsateen, Diyaar-baanu U Nahay…” Wasiir Cukuse DAAWO
Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse), ayaa ka hadlay dacwado la sheegay inuu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka gudbiyey mashaariicda ay ka midka yihiin DPWorld iyo weliba saldhigga militeri ee ay Xukuumaddu dalka Imaaraadka Carabtaka ka siisay madaarka magaalada Berbera.
Wasiir Cukuse oo u warramay Telefishanka Bulsho tv, ayaa soo dhaweeyey dacwadahaas la weriyey, waxana uu sheegay inay icitiraafka Somaliland kor u qaadayaan oo magaca qaranka dunida kale gaadhsiinayaan, “Annagu Ninkii Maxkamadda caalamiga ah nagu geynaya maxaad wax u qabsateen diyaar baanu u nahay, dacwaddayaduna inay Hauge (heeg) ka dhacdo diyaar baanu u nahay, waayo aqoonsi bay noo taraysa,” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.
Wasiir xanaanada xoolaha waxa uu intaas ku daray, “Muddo 27-sano ah oo aynu qaddiyadeena u doodaynay dalka Imaaraadku waxa uu noqday cidda qudha ee dhegahooda inoo furtay ee hantidoodii iyo xoogiidiiba inagula shuraakowday ee ina aqbalay, inaguna noqon mayno dad aan mug lahayn oo aan saaxiib yeelan Karin oo aan lala shuraakoobi Karin oo aan maalgashi lala samayn Karin.” ayuu yidhi Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland.