Ninkii Labada Suxufi Ku Dilay Maraykanka Oo Geeriyooday
Washington 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Ninkii toogtay laba wariye oo ku guda jiray tabinta war, ayaa u geeriyooday dhaawac uu isku gaystay kadib markii uu dilka gaystay. Ninka ayaa u dhintay dhaawac ah toogasho uu isku sameeyay.
Taliyaha booliska ee deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi lagu tuhunsanaa weerarkaasi oo lagu magacaabi jiray Lester Flanagan uu gaadhigiisa orod ku maray jid gooye ay dhigteen booliska.
Gaadhigiisa ayaa ka baxay wadada kaddib markii uu istoogtay waxaana loo qaaday isbatalka halkaasi oo uu ku dhintay.
Mr Flanagan ayaa la qabtay saacado uun kaddib markii sida la sheegay uu dilay weriyayaasha TV xilli ay toos war u tabinayeen.
Fariin la sheegay in uu soo diray ninkaasi hubaysnaa ayaa muujinaysa in uu ka cadhaysnaa wax lagu sheegay cunsuriyad oo isaga lagula dhaqmay.
Fariintaasi qoraalka ah oo uu u diray (ABC news) ayaa waxa uu ku sheegay in loo bartilmaameedsaday inuu ka tirsanaa ragga ragga kale u galmooda isla markaana madow ah sidaana shaqada lagaga eryay.
Maareeyaha taleefishinkaasi ayaa ku tilmaamay ninkaasi mid aan faraxsanayn oo ay adkeyd in lala shaqeeyo.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerrarka mid tusaale u ah waxyeelada adeegsiga hubka taasoo gudaha Mareykanka ka noqotay wax caadi ah, waxa uuna ugu baaqay Congress-ka in uu meelmariyo sharciyo adag oo lagu xakameynayo isticmaalka hubka.
Gudgude news.